Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland Oo Sharraxay Sifooyinka Ay Codbixinta UK Uga Egtahay Aftidii Ay JSL Kaga Tashatay Masiirkeeda
Hargeysa (Hubaal) – Xukuumadda Somaliland ayaa markii ugu horeysay ka hadashay Aftidii ay shacbiga Ingiriisku ka dhiibteen in ay ka sii mid ahaadaan ururka midowga Yurub iyo In ay ka goostaan, aftidaas oo natiijadeedu noqotay in uu Ingiriisku xadhkiisa ka laalaabto xubinimada EU-da. Wasiirka wasaaradda arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo maalintii shalay warbaahinta ugu warramay xafiiskiisa magaallada Hargeysa ayaa soo dhaweeyey aftidaas, isaga oo sheegay in ay fursad u tahay Somaliland ay kula garnaq san doonto caalamka oo Ingiriisku ugu horreeyo. Ugu Horeyn Dr. Sacad oo ka warramay aasaaska ururkaas iyo mabaadii’diisa waxaa uu yidhi “Waxaan Ugu horeyn jecellahay inaan wax ka idhaahdo, Ururka Midowga Yurub, xubnaha uu ka kooban yahay iyo wadamada ku jira xidhiidhklooda. Marka hore ujeedadiisu waa in ay dalalka ku bahoobay ururkaasi yeeshaan xidhiidh ganacsi, markii dembena wuu ka gudbay kaaso o waxaa ay ku heshiiyeen in Muwaadiniinta wadamada xubnaha ka ahi ay six or ah ugu kala socon karaan dalalkooda iyada oo aan lagu xidhin wax baasaaboor ah, si taasi la mid ah in ay badeecaduna six or ah u kala socoto, maalgashiyguna sidaasi oo kale, intaas oo dhanna waxaa uu dheer in ay dhinaca siyaasaddana xubnaha ururkani ka yeeshaan aragti midaysan”. Sidaa ayuu yidhi Wasiirka arrimaha dibada Somaliland Dr. SAcad Cali Shire oo sharraxayay mabaadiida aasaaska u ahaa dhismaha ururka midowga Yurub ee Ingiriisku ka baxay. Waxaanu intaa kud aray “ Ururka midawga yurub waxa uu leeyahay xaga siyaasada baarlaman iyo maxkamad ay kuwada midoobeen wadamaasi oo dhan, Ingiriisku ka mid buu ahaa xubin buu ka ahaa marka laga soo bilaabo 1973kii muddo 43 sanadood ah dad farabadan oo ingiriiska muwadiniin iyo siyaasiyiin ba ka ah ayaa saluugay doorka uu Midowga Yurub ka ciyaaro siyaasadooda iyo sharciyadooda, taasina waxay sababtay culays raysal wasaaraha dalkaas kaga yimaada shacbigiisa, waana ta kelliftay in uu soo jeediyo in afti laga qaado dadkan, dadkii afti baa laga qaaday khamiistii, aftidii waxay ku dhamaatay in 52% ay idhaahdaan waan go’ayna in ay ka baxaan ururka midawga yurub.” Ayuu yidhi wasiir sacad. Waxa uu wasiirka ka hadlay sida ay jaanis ugu tahay somaliland in ingiriisku ka baxo midawga yurub iyo masiirka shacabka ingiriisku kaga go’aan sadeen iyo in ay shacabka reer Somalilandna masiirkoodu ula mid yahay ka reer ingiriis
Wasiirka oo arintaas ka hadlayaana waxa uu idhi: “ Waa maxay taasi saamaynta ay ku leedahay Somaliland? Saamayntay ku leedahay waxa weeyi arinkaasi wuxu cadeeyey in dadku ay xaq u leeyihiin inay ka taliyaan aayahooda dadkaas loo dhiibay go’aan bay gaadheen, farriin bay gudbiyeen, farriintoodina sidaas bay ku meel martay, inaggu haddii aynu Somaliland nahay shicibkeenu iyo madaxdeenuba go’aanbay ka gaadheen masiirkeena sidaa uu ingiriiskuba ka gaadhay markii ugu horaysay 1991-kii markii labaadna 2001-kii afti bay ahaayeen labaduba marna cidii matalaysay shicibka ayaa go’aan ka gaadhay dabadeedna shicibka lagu soo celiyay oo go’aan ka gaadhay sidaa uu caalamkuba u aqbalay go’aankii shicibka ingiriiska ayaynu ina xaq u leenahay in go’aanka shicibkeena la tic galiyo oo hamigooda iyo himiladooda inay la soo noqdaan madax-bananidoodii uu caalamkuna sida ku qadariyo weeyaan runtii waxay inoo tahay een inaga doodeenu waxay ahayd inaynu xaq u leenahay inaynu la soo noqono madax-bananideeni markii horaba aynu lahayn caalamka dad badan baan ogayn inaynu inaka iyo soomaaliya nahay laba wadan oo madax-banaan oo isku darsaday marka tani runtii waxay xoojinaysa qadiyadeena iyo doodeena waa in la tix galiyo rabitaanka shicibka.” Intaas ayuu wasiirku hadalkiisa ku gunanaday.