Xukuumadda Oo Albaabada Isugu Dhufatay Xafiis Khasnad U Ahaa Shirkad Ay Dawladdii Siilaanyo Qandaraas Nus-qarni ah Ku Siisay Amaanka Madaarrada Somaliland

0
67

  Hanti-Dhawrka Qaranka Oo Quful Ku Dhejiyay Xafiiska Maaliyadda Ee Shirkaddan Oo Xukuumaddii Siilaanyo Qandaraas 50 Sanno Ah Ku Siisay Ammaanka SRM

“In Xafiis Dakhli Qabanaya Aanu Xidhno Horta Waa Shaqadayada Maalinlaha Ah Ee Aanu Qaranka U Hayno, Arrintanina Wuxuun Bay Kamid Tahay Shaqadaas Oo   Sharciga Ayaa Noo Fasaxaaya”

Hargeysa (Hubaal) Xukuumadda Somaliland  ayaa shaacisay inay albaabada u laabtay xafiis ay lahayd shirkad magaceeda loosoo gaabiyo SRM oo la sheegay in ay xukuumaddii hore ee talada wareejisay qandaraas ku siisay amaanka madaaradda dalka taas oo haatan baadhis lagu bilaabay. Sidaasina waxaa warbaahinta shalay u sheegay hantidhawraha guud ee qaranka Somaliland  Axmed Yuusuf Dirir oo isagu sheegay in sharcigu awood u siisay inay baadhaan isla markaana albaabada u xidhaan xafiiska shirkaddan. Hanti-dhawraha guud ee qaranka somaliland Axmed Yuusuf Dirir oo arrintan ka hadlayaana waxa uu yidhi  “Horta in xafiis dakhli qabanaya aanu xidhno, waa shaqadayada maalinlaha ah ee aanu qaranka u hayno, tanina wuxuun bay kamid tahay shaqadaas. Wey jirtaa shalay (dorraad) in aanu tagnay xafiiska shirkadda madaarada Somaliland ugu xilsaaran amaanka ee SRM la yidhaahdo. Shirkaddaas sharciga ayaa noo fasaxaaya, hadduu yahay ka baarlamaanku asxiyey ee takaaliifta madarada iyo haddii uu yahay ka 76 2016 ee xeerka hantidhawrka guud ee qaranka, markaa annaga oo waajibaadkayagii dastuuriga ahaa fushanayna, ayaanu shaqadaas galnay, waanay jirtaa markaanu halkaas tagnay inaanu xidhnay xafiiskii Finance-ka (maaliyadda) iyo xafiiskii manager-ka (maamulka) oo labaduba ay Dubai ku maqan yihiin, markaa intay imanayaan inay noo sii xidhnaadaan, si baadhistayaduna usii socoto, wixii intaas dheerina waxay kasoo bixi doonaan markaanu shaqadayadaa qabsano.” Ayuu yidhi hantidhawraha guud ee qaranka Somaliland., Dhinaca kale, sida warar xogogaal ahi Hubaal u xaqiijiyeen, waxa isna uu hanti-dharku quful ku dhejiyey xafiis qabta lacagaha duulista oo madaarka ku dhexyaalay, hawlo la xidhiidha shaqadooda

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here