Xukuumadda Oo Albaabada U Laabtay Kiniisadda Hargeysa Dib Looga Furay

0
197

Wasiirka diinta iyo aw-qaafta somaliland oo sheegay inaanay jirin wax heshiis ah oo xukuumaddu cid gaar ah kala gashay furitaanka kiniisadda

Hargeysa (Hubaal) Wasiirka diinta iyo awqaafta somaliland Sheekh Khaliil oo maanta saxaafadda kula hadlay magaaladda Hargeysa ayaa sheegay inay xukuumaddu go’aan ku gaadhay in gebi ahaanba albaabada loo laabo Kiniisad sodon sano kadib dib looga furay Hargeysa.

Kiniisadaasi oo hadalhayteedu aad ugu badnayd bulshada reer Somaliland muddooyinkii u dambeeyay, ayaa wasiirku waxa uu sheegay inaanay jirin haba yaraatee heshiis ay xukuumaddu la gashay cid gaar ah oo kiniisadaasi dib loogu furayo.

Halkan ka Daawo shir jaraa’id oo wasiirka diinta Iyo aw-qaaftu maanta ku qabtay aqalka madaxtooyada Somaliland

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here