Xukuumadda Oo Bar-kuma-taal Ka Dhigtay Hanjabaad Uu La Taliyaha Madaxweynuhu Ku Abhiyey Hay’adaha Caalamiga Ah Qaarkood

0
39

Hargeysa (Hubaal)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa ka hadlay warar sheegaya in qaar ka mid ah Hay’adaha caalamiga ah ee dalka ku sugan laga mustaafurin doona.
Maxamed Biixi Yoonis oo shalay u warramay Telefishanka Star, ayaa waxa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay wararkaasi, isaga oo sidoo kalena ka hadlay xidhiidhka beesha caalamka iyo somaliland u dhexeeya wakhtigan. biixi yoonis1
Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Hay’ado la eryey ma jiraan qaar aanu eryeynaana ma jirto, markaa waxaan u malaynayaa inuu warkaasi yahay mid kutidhi kuteen ah, wararka kale e sheegaya in uu xidhiidhka Somaliland la leedahay beesha caalamka sii xumaanayana waxba kama jiraan, beesha caalamku si caadi ah ayey noola xallinsaa oo wada hadallo ayaa naga dhexeeya, beesha caalamku waxa ay qadarisaa Somaliland iyo shacbigeeda, xasiloonida ay gaadheen, beesha caalamku qayb kamay ahayn Somaliland halka ay maanta gaadhay, nabaddeena iyo sida aynu u dhamaysanno daneheenna qayb kamay ahayn beesha caalamku oo waa dano reer somaliland ah, markaa wararkan la isla dhexmarayo ee sheegaya Beesha Caalamka, Madaxweynaha iyo Wasiirka arrimaha dibedda ayaa is haysta wax ka jiraa ma jiraan”
Maxamed Biixi Yoonis oo ka hadlaya safar uu ugu baxay shalay waddamada Jabuuti iyo Itoobiya, waxa uu yidhi “Hadda Safar ayaan u baxayaa oo waxaan tegayaa Jabuuti iyo Itoobiya oo waxaan la kulmayaa Wasiiro, waxaan tegayaa sidoo kale Ivorycaust, dal aanu hadda ka cabanaynaa ma jiro oo waddamada aduunka oo dhan saaxiib ayaanu nahay, mid aanu dhib ku haynaana ma jiro waanu la wada shaqaynaa, waanu la wada shaqaynaa waddamada adduunka Maraykanka, Yurub, waddamada jaarka ah iyo kuwa Carabtaba xidhiidh wanaagsan ayaa naga dhexeeya, siyaasadda arrimaha dibedda ee xukuumadduna waa taas ah inaanu la xidhiidhno oo aanu la hadalno beesha caalamka, anigayaana qaabilsan arrintaasina aniga ayey i saaran tahay oo mucaarid iyo muxaafid midna ma saarna aniga ayaa la xaajooda beesha caalamka, aqoon badan ayaan u leeyahay beesha caalamka waan ka soo shaqeeyey meel sare ayaan ka gaadhay Hay’adaha caalamiga ah, markaa aniga ayaa Somaliland ah oo waxaan filayaa in aanay maanta jirin qof iga somalilanddersani, dalkan Somaliland ayaan u dhaartay shaqadayda ayaan u dhaartay wax aan dhexdhexaadinayaana ma jiraane shaqadayda ayaan qabsanayaa in aan qadiyadda somaliland beesha caalamka u sharoxo”.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here