Xukuumadda Oo Bilowday Qorista Ciidamo Ka Qeyb-galaya Dagaalka Yeman, Qeyb-na Ka Ah 1500 oo Askari Oo Xasan Sheekh La Soo Saxeexday Dawlada Sucuudiga.

0
26

Hargeysa(Hubaal):-Xukuumadda Somaliland, ayaa bilowday qorista ciidamo reer Somaliland ah oo loo diyaarinaayo in ay in ay qeyb ka noqdaan ciidamada xulafada dawlada Sucuudiga iyo Yeman ee dagaalka kula jira Xuutiyiinta dalkaasi Yeman.

ciidanSida ay ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ay u xaqiijiyeen Mareegta Ramaasnews, ayaa sheegaya in maalmahii ugu danbeeyey talisyada ciidamada Booliska iyo Asluubta Somaliland laga waday qorista ciidamadan, iyada oo sida oo kalena ay wararku tibaaxayaan in tirada ciidamada  la qoraayey oo gaadhaysa 2000 oo askari loo qeyb-saday qaab saami qeybsi beelaha Somaliland dega dhexdooda ah.

Wararku waxaa kale oo ay sheegayaan in ciidamadan loo diyaarinaayo ka qeyb-noqoshada ciidamada xulafada dawlada Sucuudiga iyo Yeman ee dagaalka kula jira Xuutiyiintu, ay sida oo kale qeyb ka yihiin ciidamo tiradoodu gaadhayso 15000 oo askari kuwaasi oo dawlada Sucuudigu ka dalabtay Madaxweynaha dalka Somaliya Xasan Sheekh iyada oo qorsheyaasha dawlada Sucuudigu heshiiska kula soo gashay Madaxweyne Xasan Sheekh ay sida oo kale ka mid tahay adeegsiga dekada magaalada Barbera.

Ugu danbeyntiina waxaa kale oo wararku tilmaamayaan in ciidamadan hada loo diyaarinaayo ka qeyb qaadashada dagaalka lagaga soo horjeedo Xuutiyiinta Yeman marka hore tobabar looggu qaadaayo dalka Sucuudiga, iyada oo halkaasna ay ku maqnaanayaan muddo kooban oo bilo ah sida uu noo xaqiijiyey mid ka mid ah askarta qaabka beelaysan loogu qoray in uu ka mid noqdo ciidamada dagaalka kala hortagaaya Xuutiyiinta dalka Yeman.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here