Xukuumadda Oo Daahfurtay Mashruuc Lagu Qaybinayo Siddeetan Kun Oo Geed Oo Bilaash Ah Iyo Ujeeddada Laga Leeyahay

0
64

dhir qaybinHargeysa:(Hubaal)-Xukuumadda oo daah-furtay mashruuc ballaadhan oo munaasibadda 18-ka may dalka lagaga beerayo ugu yaraan 80,000(siddeetan kun) oo geed, si looga soo kabsado abaartii darnayd ee dalka ku habsatay oo dhibaato badan gaadhsiisay dhir aad u badan oo dhulka hore uga bixi jirtey.

Mashruucan oo loogu magac daray DABBAAL-DEGGA MAY-DAN AYNU KU DARYEELLO DADKEENA”, ayaa sida uu u qabsoomayo waxa warbixin uga bixisay wasiirka Deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare, waxana ay tilmaantay in dhir-beeristu muhiimad gaar ah u leedahay dalka, waxana ay tidhi “Waanu soo dhaweynaynaa maalintan weyn waxa loogu talo galay in dadkeenii aafada badani kasoo gaadhay abaaraha, waxana aanu bixin doonaa ilaa 80,000 oo geed.”

Dhirta lagu beeri doono mashruucan la qaban doono munaasibadda 18-ka May, ayaa waxa laga hirgelin doonaa meelo badan oo dalka, waxana gacanta ku haysa guddi uu madaxweynuhu dhawaan u magacaabay kasoo kabsashada abaaraha, kuwaas oo diirrada saari doona in si degdeg ah looga soo kabsado dhibaatadii abaarta.

Dadweynaha ku dhaqan caasimadda, ayaa loogu baaqay inay dhir bilaash ah ka heli doonaan xarunta wasaaradda deegaanka iyo dhammaanba waaxaha kala duwan ee dawladda Hoose ku leedahay caasimadda Hargeysa, waxana bulshada loogu baaqay inay dhirtaas qaataan oo ay guryahooda iyo goobaha kale ee muhiimka ah ku beertaan.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here