Amarka Xukuumaddu ku baajisay safarka Dr. Bulxan oo Saameeyey Dareenka ra’yul-caamka Somaliland
Natiijada Kulan Ay Xukuumaddu Ku Xog-waraysatay Dr. Xuseen Cabdillaahi Bulxan Iyo Nuxurka Xayiraadda Ay Ku Hor-istaagtay Safar Shalay U Qorsheysnaa In Uu Ku Tago Xamar+Muxaadirro Maanta Uu U Jeedin Lahaa reer Muqdisho Oo Meesha Ka Baxday
Hargeysa (Hubaal) Xukuumadda Somaliland ayaa Dr. Xuseen Cabdillaahi Bulxan oo kamid ah aqoonyahannada foollaadka ah ee reer Somaliland kahor istaagtay safar uu shalay Jimcihii ugu duulli lahaa magaallada Muqdisho halkaasi oo ay ka qorsheysnayd muxaadiro siyaasi ah oo Sabtida Maanta uu u jeedin lahaa bulshada reer Soomaaliya, muxaadirradaas oo nuxurkeedu xambaarsanyahay mawqifka dawladnimo ee Somaliland iyo qaddiyadeeda gooni-isu-taagga. Amarka Xukuumadda ayaa soo shaac baxay goor danbe oo habeen hore ahayd oo ay Xukuumaddu kulan kala yeellatay Dr. Bulxan qorshaha safarkiisa iyo nuxurka muxaadirada uu sheegay in uu Xamar kajeedinayo, waxaana kulankaasi oo ahaa mid albaabadu u xidhnaayeen ay xukuumaddu ka soo saartay amar ay isla isaga ku qancisay oo ah in uu baajiyo safarkiisa isla markaanna aanu dalka ka bixin. Amarka Xukuumadda Somaliland ku baajisay safarkii Dr: Bulxan ayaa ka turjumaya sida ay Xukuumadda Somaliland uga go’an tahay inaan sinaba muwaadiniinta Reer Somaliland u wiiqi Karin go’aanka shacabka Reer Somaliland ku dhisteen qarankan Rubuc qarniga jiray. Dr: Bulxan ayaa maanta oo sabti ah ka jeedin lahaa magaaladda Muqdisho muxaadaro uu sheegay in uu aqoonyahanada Somalida kaga dhaadhicin doona Madax banaanida Somaliland, isagoo warkan hore uga sheegay kulan uu aqoonyahanada Somaliland ugu qabtay Hotel Maansoor. Aqoonyahanada Somaliland intooda badan ayaa Habeenkaas Dr: Bulxan kula taliyey inaanu tagin Muqdisho, hase yeeshee waxa uu ku adkaystay go’aan uu sheegay in uu goostay oo ahaa inaanu ka tanaasulayn ku talo-galkiisa. Inkasta oo ay jireen xubno taageersanaa soo jeedintiisa, hadana markii ay warbaahinta Somaliland soo bandhigtay kulankaas waxa soo if-baxay aragtiyo kala duwan oo u badnaa halista ka soo gaadhi karta dhakhtarka Fikirkiisa iyo saamaynta ay arrintani ku yeelan karto dad badan oo qarsan jiray aaminsanaan ka fog aragtida Dr: Bulxan qabo ee ah in la soo qanciyo aqoonyahanada Somalida. Dr: Bulxan iyo Aqoonyahano kale ayaa Dalka Turkiga kaga qayb galay shir loo qabtay aqoonyahanada labada Dal. Sidoo kale, waxa uu ka qayb galay mid ka mid ah laba shir uu uu Turkigu Ururada Bulshada Rayidka ah ee labada dal ugu qabtay dalka Kenya. Wareegan uu Dr: Bulxan ku doonayey in uu imika Muqdisho ku tago oo ahaa kii sadexaad ee qorshayaal Turkigu ku doonayey in uu isugu keeno aqoonyahanada Somaliland iyo Somaliya ayaa burburaya, maadaama Somaliland mawqif Diidmo ah ay ka qaadatay safarka Dr: Bulxan. llaa hada Xukuumadda Somaliland iyo Dr: Bulxan midkood-na umadda uma bandhigin waxa ka soo baxay kulankooda, hase yeeshee hakinta la hakiyey safarkiisii waxay ka turjumaysaa in ay Somaliland ka hor tagtay talaabo Turkigu doonayey in uu ku xod-xoto aqoonyahanada Somaliland ee uu Dr: Bulxan Hormoodka u yahay.