Farriin Sarbeebaysan Oo Wasiir Ay Bah-wadaag Ahaan Jireen Siciid Sulub Markhaati-gashaday Bulshada+Xusuusta Qoddobka Taariikhda U Galay Siddeed Sanno Oo Uu Wasaarad Muhiim ah Madax Ka Ahaa
Hargeysa (Hubaal)-Wasiirka wasaaradda Beeraha Somaliland Dr Maxamed Aw Daahir Axmed, ayaa xukuumadda si weyn uga difaacay eedo loogu jeediyey wax qabad la’aan iyo xadhig muddooyinkii ugu dambeeyey loo geystay xubno madax dhaqameed ahaa oo dawladda dhaliilo u jeediyey. Wasiirka oo saxaafadda xafiiskiisa kula Hadlay ayaa si gaar ah jawaabtiisa ugu socod siiyey wasiirkii hore ee Hawlaha Guud, Guryeynta iyo Gaadiidka oo ay xukuumaddii Udud ka wada tirsanaayeen Siciid Sulub Maxamed Oo haatan katirsan Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani. Wasiir Maxamed aw Daahir, waxa uu ugu horrayn Siciid Sulub ku eedeeyey inuu caan ku ahaa Xadhigga salaadiinta xilligii uu xukuumadda katirsanaa, isla-markaana uu jeelka ku guray madax-dhaqameed caan ahaa, “Saaxiibkay siciid Sulub oo salaadiintu waa lama taabtaan lahaa, ma waxa uu ilawsan yahay taariikhdiisii hore ee shalay ahayd ee dadku wada xasuusan yahay, Siciid Sulub iyo saaxiibkiisii hore ee Wasiirka Maaliyaddu suldaanka suldaanada ugu qaalisan ee Suldaan Cismaan Suldaan Cali Suldaan Madar ninkii inruu Beebee kaga Qaaday Burco ayuu jeelka Mandheera ku geeyey, oo ah halka lagu xidho Dadka wax dila iyo dadka xabsi daa’imka ah, kaaga darane shir jaraa’id intuu qabtay ayuu yidhi ninkii Suldaan madar la saaxiib ahaayow jeelka mandheera ugu tag” ayuu yidhi wasiir Maxamed Aw Daahir. Wasiirka oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay inaanay jirin hal tallaabo oo waxqabad ah oo lagu xasuusan karo siciid Sulub Muddadii dheerayd ee uu xukuumadii Daahir Rayaale Katirsanaa, waxan uu yidhi,“siciid sulubow 8-sano ayaad wasiir ahayde maxaad sheeganaysaa, waxqabadka kaliya ee lagugu xasuustaa waa sandaqadihii Indean Line-ka.” Waxa uu sheegay in Salaadiinta la ixtiraamayo oo kaliya marka ay shaqada dhaqanka ee ay Bulshada u hayaan ku joogsadaan,“Salaadiintu marka ay madax dhaqameed yihiin ee ay xilkaas beeshu u igmatay hayaan in la sharfo oo la ixtiraamo oo aan la xidhin weeye, laakiin suldaanku marka uu siyaasi noqdo ee ciddii cid caydaaba ay isag adeegsato dee siyaasi buu noqday siyaasina ha u diyaargaroobo in la xidho iyo in xanafi gaadho.” Ayuu yidhi Wasiirku. Wasiirku mar uu ka Hadlayey muranka ka taagan Keydka Haamaha shidaalka Berbera, waxa uu sheegay inay tahay arrin xukuumaddu ku shuqul leedahay, waxana uu kala mid dhigay bakhaaradda Dawladda ee Haatan kiraysan,“Haamaha shidaalkuna waxa ay lamid yihiin bakhaarada ka furan magaalada Berbera ee Ina Omar iyo indha deero leeyihiin ee Raashinka la dhigo ayuun bay kamid yihiin, Halka kuwaas raashinka laga dhigo ayuun bay la mid yihiin, halka kuwaas raashinka laga dhigo kuwana waxa la dhigaa shidaal, kiradooduna waxay lamid tahay aqal la kiraynayo. Aqallada dawladda ee halkanba waa la kireeyaa, Baarlamanna lama mariyo, Buuq kalena kama yimaaddo. Baarlamaankana waxa la marin karaa marka ay maalgashi dibadeed helaan.”