Golaha wasiiradda oo Anisixiyey go’aanka Xukuumadda
Hargeysa(Hubaal) Xukuumadda Somaliland ayaa go’aansatay in dib loogu celiyo Hay’adda Wadooyinka wasaaraddii ay ka tirsanaan jirtay ee Hawlaha Guud, taasoo fulin doonta dhismayaasha wadooyinka Dalka ee ay Madaxtooyaddu hore u waday.
Shirkii Golaha wasiiradda ee khamiistii hore ayay Xukuumaddu ku soo bandhigtay mooshinkan ay dib ugu celinayso maamulka Hay’addaasi wasaaradda, waxaana la sheegay inay Golaha Wasiiraddu Ansixiyeen.
Xukuumadda ayaa lagu wadaa inay Golaha wakiiladda u gudbin doonto mashruucan sharci, maadaama Glaha wakiiladdu hore ugu ansixiyeen Hay’addan in Madaxtooyadda la hoos geeyo.
Ilo wareed u dhuun daloola go’aanka xukuumadda ayaa sheegaya inay Xukuumaddu go’aansatay in la xoojiyo Wasaaradda Hawlaha Guud isla markaana la tayeeyo adeegyada ay u qabailsan tahay qaranka, kuwaas oo ay ka mid yihiin Wadooyinka iyo Gaadiidka Dawladda.