Xukuumadda Oo Haydh-tuulleyaasha Gobollada Ku Wargelisay Awaamiir Ka Dhan Ah Ugaadhsato Faro Baas Ku Haya Duur Joodta Dalka

0
56

Hargeysa (Hubaal)-   Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta reer Miyaga Somaliland,   ayaa sheegtay inay sharciga hor keenayso kooxo ugaadhsato   deegaanka Go’da weyn ee gobolka Saaxil ka wada ugaadhsi, kuwaas soo ay dhowaan qaylo dhaan xoogan ka muujiyeen dadka deegaankaasi. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta reer miyiga Somaliland Maxamed Cilmi Xuseen oo shalay u waramayey BULSHO TV, ayaa sheegay in sharciga lala tiigsan doono kooxo ugaadhsato ah oo fara baas ku haya duur joogta gobolka Saaxil ku nool, waxaanuu fariin u diray masuuliyiinta gobolada dalka ee xukuumadda iyo isku duweyaasha wasaaraddooda oo uu ugu Baaqay inay soo qabtaan.  deegaankaAgaasimaha Wasaaradda Deegaanka oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi  “Wasaraaddu waxa ay ka soo saartay ugaadhasataasi qoraal cad, waana la gaadhsiiyey dhamaan isu duwayaasha iyo badhasaabada dalka oo dhan in ay talaabo  ka qaadaan cis kasta oo qarankan asadkiisa ama khayraadkiisa dabiiciga ah xadaysa  oo dan ajani uga faa’iidaynaysa in tallaabo laga qaado, hore ayaanu u gudbinay waanay jiraan meelo la soo sheegayaa tallaabo cadna waanu ka qaadi doonnaa,  waxaanu u soo jeedinaynaa bulshada reer Somaliland inay ilaashadaan khayraadkooda dabiiciga ah ee ugaadha iyo khayraadka kale ee dalkaba”

Maxamed Cilmi Xuseen  oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaasi raaciyey “Waanu u haynaa sharciyaddii aanu marinaynay tallaabo cadna waanu ka qaadi doonnaa oo la arki doono, dhamaanba waan ku war gelinayaa badhasaabada iyo isku duwayaasha u jooga deegaanka iyo taliye qaybeedadaba inay arrintaas aad xil isaga saaraan oo ay tallaabo ka qaadaan  wasaaraddana way ka go’antahay inay tallabo ka qaaddo kooxahaas ugaadhsatada ah, cid kasta oo si sharci darro ah uga faa’iidaysanaysa khauraadka uu dalku leeyahay” ayuu yidhi agaasimaha guud ee wasaaradda deegaanka Somaliland

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here