Xukuumadda Oo Iska Fogaysay Warar Ka Dhan Ah Sanduuqa Horumarinta Oo Lagu Xidhiidhiyey Wax Is Daba Marin

0
67

Hargeysa:(Hubaal)-Masuuliyiinta Gacanta ku haya Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF, ayaa si adag u beeniyey warar laga baahiyey oo sheegayey in Hantida Sanduuqaas ku jirta ay gaar ah ay wasaaradda Qorshaynta qaranku ugu takri fashay.

Shir jaraa’id oo ay maalintii shalay Wasiirka Qoryshaynta qaranka iyo Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Maaliyadda Somaliland oo xubno ka ah Wasaaradaha Maamula Mashruuca SDF-tu ku qabteen Xarunta Wasaaradda Qorshayntu ayey ku sheegeen inaanu jirin wax musuqmaasuq iyo wax isdaba marin ah oo sanduuqaas lagu sameeyey, waxana ay faahfaahin ka Bixiyeen Hannaanka Sanduuqaasi u shaqeeyo iyo cidda awoodda u leh inay maamusho lacagaha sanduuqaas ku jira.SDF_funds_benfitting_all_regions_of_Somaliland_says_planning_minister_Dr_Saad_Ali_Shire_inset

Ugu horrayn wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Dr Sacad Cali Shire oo Halkaas ka Hadlay, ayaa ku dheeraaday sida uu Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF u shaqeeyo iyo cidda iska leh Go’aamada mashariicdiisa,  “Mashruucan SDF waxa uu hoosyimaaddaa ilaa sagaal wasaaradood iyo  laba Hay’adood oo madax bannaan, waxana uu ka kooban yahay ilaa 12-barnaamij oo kala duwan, mashaariicdaasina lixda Gobo lee Dalkaba way ka socdaan meel gaar ahna kuma koobna, Sida Maamulkiisu yahay, waxa uu ka bilaabmaa Guddida Qorshaynta qaranka, Guddidaas ayaana go’aamisa meelaha lamarin doono oo meelaha mudnaanta leh Go’aamisa.” Ayuu yidhi Wasiir Sacad Cali Shire.

Wasiir Sacad oo Hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay in Sanduuqaas mashaariicda laga fulinayo ay go’aamiyaan Guddiga Qorshaynta qaranka oo Wasaaraddo badan  ka koobani, kuwaas oo hadba maalgeliya meeshii loo arko inay qaranka muhiim u tahay, waxana uu yidhi,“fulinta mashaariicdaas waxa loo gudbiyaa shirkad madax bannaan, guddida iyo Wasaaraduna waxay leeyihiin Kormeerkii iyo Maamulkii, Wasaaradda Qoryshayntuna ma maamusho mashaariicda SDF-ta mana curisee Wasaaradahaa curiya, Habka shirkadaas Gaarka ahi ay shaqaalah u qaadataana waa Hab waafaqsan nidaamka caalamka, tartan baana loo galaa.”

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta qaranka Somaliland, waxa uu sheegay inuu saxayo warar hore warbaahintu uga Baahisay Wasaaraddiisa, waxana isagoo arrimahaas ka Hadlaya uu yidhi,“Waxan saxayaa inaanay wasaaradda Qorshayntu maamulin Mashaariicda laga maalgeliyo Sanduuqa SDN. Waxa kale oo aan saxayaa musuqmaasuq la sheegay inay wasaaradda Qorshayntu Samaysay, waxana aan leeyahay wax la musuqmaasuqaaba meeshan ma  yaalliin, sidoo kale waxa aan saxayaa inaanay Iscasilaadii Wasiirku-xigeenkaygii hore aanay xidhiidh la lahayn Mashaariicda SDF. Sidoo kale waxa la baahiyey in Shaqaale Badan Wasaaradda Laga Caydhiyey, waxanse caddaynayaa inaanu jirin hal shaqaale ah oo laga eryey wasaaraddani.”

Dhinaca Kale waxa isaguna Halkaas ka Hadlay Wasiir-dawlaha Wasaaradda Maaliyadda Md Cismaan Cabdilaahi Saxardiid Caddaani, ayaa sheegay inaanu masharuucani Qaranka muhiim u yahay, isla-markaana ay muhiim tahay in la joojiyo dacaayad kasta oo lagu qaaday, waxana uu yidhi,“Maamulista mashruucani waxa uu qayb weyn ka qaadanayaa Ictiraafkeena iyo sida aynu adduunka ula macaamilnno, maadaama maanta la inagu aaminay inaynu baahideena sheegano oo maamulano, Haddii uu maamul fiicani halkaas kasoo baxana waxay muujinaysaa inaynu nahay dad bislaaday oo adduunku kusoo dhiirran karo, Mashruucanina Mashruuc la siyaasadeeyo ma aha, waase mashruuc muhiim u ah Jamhuuriyadda Somaliland, Dagaalka Mashruucaas lagu qaadaana waa mashruuc Somaliland lagu qaaday.”

Wasiirku waxa uu sheegay inaan mashruucaas cidina musuqi Karin, maadaama ay Shirkad gaar ahi gacanta ku hayso oo aanay xukuumaddu lacagahaas arkin,

“wax musuq ah ma geli karo, maadaama aanay jirin wax lacag ah oo aanu aragnaa, shirkad baana maamusha oo afartaas sanadood loogu talo galay, shirkadaasina iyadaa qandaraasyada bixisa, shaqaalahana isagaa qorta, aniga iyo wasiirka midna ma fadhsiistee Dalalka bixinaya iyo Cidda marba mashruuca la bixinayo leh baa fadhiista.” Ayuu yidhi Wasiir Caddaani.

Ugu dambayntii waxa Halkaas lagu soo bandhigay Hannaanka Gobollada Somaliland looga Fuliyey Lacagaha laga soo saaro Sanduuqa SDF-ta, waxana la sheegay in waxa mashaariicda la fulinayo loo eego ay tahay Hadba Baahida Gobolladu leeyihiin xaddiga ay le’egtahay.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here