Xukuumadda Oo Jawaab Cad Ka Bixisay Hadallo Xanaf Leh Oo Uu Cabdilaahi Jawaan Ku Ganay Awoodda Hoggaamineed Ee Madaxweyne Siilaanyo

0
45

“Anigu Cabdilaahi go’aankaas kamaan filaynin, aflegaadaduna reeban, mana aan jeclayn inuu Cabdilaahi meelaha qaar taataabto, dalkana madaxweynaa ka taliya oo wareegtadii uu …” ayuu Qabo

qabo

Hargeysa:(Hubaal)-Wasiirka wasaaradda qorshaynta qaranka Md. Maxamed Ibraahim Qabo, ayaa madaxtooyada ka difaacay eedo uga yimi la-taliyihii madaxweynaha ee arrimaha doorashooyinka Md. Cabdilaahi Jawaan, kuwaas oo la xidhiidhay hoggaaminta madaxweynaha qaranka oo uu mid liidata ku sheegay.

Wasiir Qabo oo Telefishanka Star kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa ugu horrayn sheegay inuu la-taliyaha is casilay xor u yahay go’aankiisa, waxana uu yidhi, “Qofku xor buu u yahay oo xisbigii uu doono wuu geli karaaa, kii uu doonana wuu ka bixi karaa, Cabdilaahi-na waxa uu kamid ahaa aasaasayaashii KULMIYE, haddii uu go’aankaas qaatayna waa mid u gaar ah.”

Isaga oo hadalkiisa sii wato, wasiir Qabo waxa sheegay inaanu la-taliyaha ka filanayn inuu sidaas u hadlo, waxana uu xaqiijiyey inuu madaxweyne Siilaanyo si buuxda talada qaranka gacanta ugu hayo, “Anigu Cabdilaahi go’aankaas kamaan filaynin, aflegaadaduna reeban, mana aan jeclayn inuu Cabdilaahi meelaha qaar taataabto, dalkana madaxweynaa ka taliya oo wareegtadii uu ku shaqaynayey isagaa magacaabay,” ayuu yidhi wasiir Qabo.

Isaga oo hadalkiisa sii wata wasiir Maxamed Ibraahim Qabo, waxa uu intaas ku daray, “Inuu Cabdilaahi yidhaahdo maanta madaxweyne ma jiree nin baa ra’isal wasaare ka ah waa foolxumo, saaxiib dhawna way ahaayeen madaxweynaha, Maxamuud Xaashina saaxiib dhaw bay ahaayeen, haddii la kala tagona cunfiga iyo qodqodku ma fiicna.”

Ugu dambayntii waxa uu Wasiir Maxamed Ibraahim Qabo shaaciyey inay ladqabo ugu tegi doonaan la-taliyaha is casilay, isaga oo xusay inuu taariikh ma guuraan ah ku leeyahay aasaaskii xisbiga KULMIYE, waxana uu yidhi, “Arrintaas odaynimo ahaan iyo ergo ahaanba waanu ka gelaynaa, Cabdilaahi-na nin sidaas ku tegay oo xisbiga raadkii uu ku lahaa maalin ku baabi’inayana ma aha, wixii jirana kollay waanu dhammayn doonaa.”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here