Maxay ahaayeen Digreetooyinka ay Soo Saareen Wasiirradii u kala dembeeyey Daakhiliga ee Waran-cadde iyo Faratoon?.
Hargeysa (Hubaal) – ra’yul caamka bulshada Somaliland ee u dhuun daloola dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee dawladda iyo arrimaha maamul ee xukuumadda ayaa maalmihii u dembeeyey si weyn u hadal hayay awaamiir khuseeya arrimaha dhaqanka oo marar kala dembeeyey ay wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland ku hakinayso maxfallada caleemo saar ee lagu cumaamadayo madax dhaqameedyada kuwaas oo salluug badani ka muuqdo tiradooda xad dhaaf noqotay halka ay sii shiiqayso tayadii dhaqanku. Bishan December ee aynu ku jirno iyo weliba bilihii aynu soo dhaafnay ee November iyo October ayaa waxaa magaallooyinka dalka ee waaweyn ka dhacay xaflado lagu caleemo saaray madax dhaqameed kala duwan oo kusoo biiray saaxadda dhaqanka kuwaasi oo cuqaal, salaadiin, ugaasyo iyo garaadoba isugu jiray, waxaanay tallaabooyinaki meesha ka saareeen dhammaanba awaamiir iyo digreetooyin kala dembeeyey oo ay wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka gobollada iyo degmooyinku ka soo saareen arrintan maadaama oo ay nidaam ahaan wasaaraddaas hoos yimaadaan madax dhaqameedka dalku. Degreetooyinkaas oo ay ugu dembeysay mid uu wasiirka arrimaha gudaha ee xilligani Yaasiin Maxamed Faratoon amar ku siiyey baadhasaabadda gobollada iyo degmooyinka in aan deegaannadooda lagu qaban Karin xaflado lagu caleemo saarayo madax dhaqameedka cusub kuwaas oo liisannadooda dhaqanka in muddo ah la hakiyey. Hase yeeshee wali wax tallaabo ah oo muuqda arrintaasi lagama qaadin,
Maxay ahaayeen Digreetooyinka ay Soo Saareen Wasiirradii u kala dembeeyey Daakhiliga ee Waran-cadde iyo Faratoon?.
Wasiirkii hore ee wasaarada arrimaha gudaha Md. Cali Maxamed WAran Cadde ayaa mudaddii uu xilka wasaaraddaas hayay tiraba dhowr jeer soo saaray wareegtooyin amraya in la joojiyay caleemo saarka madax dhaqameedyada cusub, sida salaadiinta, cuqaasha, ugaasyada, malaaqyada iyo garaadada kuwaas oo sanadihii u dembeeyey si aan kala joogsi lahayn ugu soo batay saaxadda dhaqanka, waxaanu faray laamaha ammaanka iyo hay’adaha dawliga ahba in ay tallaabo adag ka qaadaan cida iska dhego marisa amarkiisa. Sidoo kale waxaa uu hoggaan dhaqameedyada ka diiwaan gashan wasaaradda arrimaha gudaha uga digay inay si dadban iyo si daallacanba ugu lug yeeshaan dhaq dhaqaaqyada lidiga ku ah wareegtadiisa. Warancadde ka sokow, wasiir ku xigeenkii hore ee amniga haatanna ah wasiiru dawlaha amniga Maxamed Muuse Diiriye, Agaasimaha guud ee wasaaraddaas iyo weliba baadhasaabka gobolka Maroodi jeex ayaa iyaguna awaamiir ta’kiidinaya amarka wasiirka ka soo saaray qaddiyadan, wallow aanay dhaqan gelin.
Wasiirka haatan xilka wasaaradda arrimaha gudaha haya md. Yaasiin Maxamed Faratoon oo xilka kala wareegay Wasiir Warancadde ayaa maalmihii uu tirsaday masuuliyada wasaaraddaasba waxaa uu isaguna soo saaray degriito adag oo uu ku shaacinayo in aan dalka laga oggolayn Caleema-saarka Madax-dhaqameedka guud ahaan, isagoo xusay inaan la aqbali doonin Caleem-saarka Suldaan, ugaas, garaad iyo Caaqil cusub midna. Wasiir Faratoon oo 5tii bishii September soo saaray digreeto luuqad adag ku qoran oo uu ku socodsiiyey Guddoomiyeyaasha gobollada Somaliland, waxaa uu ku ku sheegay inay Wasaaradda arrimaha guduhu waddo dib-u-eegista Nidaamka Madaxda Dhaqanka ee dalka. Wareegtadaas uu soo saaray Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) waxay u dhignayd sidatan:- “Sidaad la socotaan waxayWasaaraddu hore u soo saartay Wareegto Joojin ah oo la xidhiidha Caleemo-saarka Madax-dhaqameed cusub, hadday tahay Suldaan iyo hadday tahay Caaqil-ba. Haddaba, iyadoo Wasaaraddu ku hawlan tahay dib-u-eegista iyo nadaaminta hawlaha Madax-dhaqameedka, waxaa la idin farayaa in aan la oggolayn Caleemo-saarka Madax-dhaqameedka cusub, oo aan oggolaansho ka haysan Wasaaradda arrimaha gudaha. Sidoo kale, waa in la hakiyo cid kasta oo ku hawlan Caleemo-saarka Madax-dhaqameed cusub, illaa amar dambe ka soo baxayo Wasaaradda arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Somaliland.” Sidaa ayuu Wasiir Yaasiin Faratoon ku yidhi Wareegtada uu soo saaray. Wareegtadaas waxaa ka dembeysay mid kale oo uu isna soo saaray baadhasaabka gobolka Maroodijeex oo ay isaga xasiifkiisa ka diiwaangashan yihiin cushaaqa gobolku, waxaanu sida wasiir Faratoon ku muujiyey qorshaha ay wasaaraddooodu u dejisatay is barbar yaaca dhaqamaysan ee caleemo saarka madaxda dhaqanka.
Gunaanad
Maalintii Jimcihii ee Toddobaadkii aynu soo dhaafnay ayaa waxaa Somaliland lagu caleemo saaray Suldaan guud oo ay yeellanayaan Beellaha Akisho gaa gaar ahaanna beellaha Warakiyo, Suldaan Abshir Xasan Cali, suldaankaas oo caleemo saarkiisa lagu qabtay Hotel Askar ee magaalalda Gabiley. Sidoo kale bishii aynu kasoo gudubnay ee November gudaheedii ayaa sida warbaahinta maxalliga ah ee dalku qortay waxaa isagu jiray tallaabo ay xukuumadda Somaliland gaar ahaanna wasaaradda daakhiligu ka qaaday Ugaas cusub oo ay sheegtay inaanu ka diiwaangashanayn wasaaradda kaasi oo ku dhawaaqay caleemo saarkiisa, isaga oo xukuumadda iyo maamulka dalkana naqdiyey. Ugaaskan cusub oo sida warbaahintu baahisay isku sheegay in uu yahay ugaaska guud ee beellaha Cimraan Sh. Isaxaaq ayaa xukuumadda Somaliland xabsiga dhigtay, isagoo xadhigiisana ku sababaysay khalkhal gelin nimaamka dhaqan ee dalka u degsan, wallow ay axsaabta mucaaridku siyaasadeeyeen xadhigiisa oo ay ku sheegeen in xukuumaddu cabudhinayso cidda taageerta axsaabta mucaaridka ah.Isku soo wada duuboo iyada oo ay dhacdooyinkaas oo dhami jireen ayaa haddana toddobaadkan gudihiisa waxaa munaasibad ilyartu is qabatay oo lagu qabtay Hotelka Ambassador ee magaallada Hargeysa lagu caleemo saaray Ugaas cusub oo ku soo biiray saaxadda dhaqanka ee beellaha Curadka Daa’uud Ismaaciil. Si kastoo xaalku yahayba amuurahan iyo caleemo saarrada madax dhaqameedkan ayaa meesha ka saaraya nidaamkii iyo kala dembeyntii dawladeed Ee Somaliland kuwaas oo u muuqanaya laba arrimood mid ahaan; waa ta koowaad ee in la badhi furayo degreetooyinka xukuumaddu soo saarto gaar ahaanna wasaaradda arrimaha gudaha oo xilligan uu wasiir ka yahay Md. Yaasiin Maxamed Faratoon kaasi oo kasoo noqonaya wasiirkii u horreeyey ee kasoo jeeda Laascaannood kaasi oo xilka wasaaraddan qabta tan iyo intii Somaliland jirtay. Arrinta labaad ayaa iyaduna noqonaya in ay xukuumaddu kas uga aamusan tahay is dhego marinta goaamadda ka soo baxa si kale haddii loo dhiga raalli ka ah qabanqaabooyinka iyo caleemosaarrada madax dhaqameedkan