Xukuumadda oo ka Codsatay Faransiiska inuu Qaddiyada Somaliland Hordhigo Golaha Ammaanka

0
16

Qaabka Safiirka Faransiisku uga jawaabay inay qaddiyada Somaliland hordhigaan Golaha Ammaanke ee Qarammada Midoobay

Xukuumadda oo weydiisatay dawladda Faransiiska inay kala shaqayso hirgelinta aqoonsiga Somaliland

Hargeysa (Hubaal)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ka codsatay dawladda Faransiiska inay Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay hordhigaan qaddiyadda madaxbannaanida Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis oo saxaafadda uga xog-waramay kulan madaxweyne Siilaanyo la yeeshay shalay safiirka Faransiiska ee dalka Kenya, waxa uu sheegay inay ka codsadeen sidii dawladdiisu qaddiyadda Somaliland u hordhigi lahayd Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay.

DSC_0011“Waxaannu ka codsanay safiirka in dawladda Faransiisku horgayso Golaha Ammaanka qaddiyada Somaliland, annagoo u sharraxnay horumarka kala duwan ee Somaliland ka samaysay dhinacyada ammaanka, xasiloonida, horumarka iyo dimuqraadiyada, waxa kaloo aannu ka codsanay in ay wadahadalada Soomaaliya aannu la leenahay naga caawiyaan oo ay nagala shaqeeyaan sidii goonni-isu-taaga Somaliland u hirgeli lahaa,” ayuu yidhi Md. Maxamed Biixi Yoonis.

Hasayeeshee, Safiirka Faransiiska ee Kenya Ambassador Remi Marechaux shirka jaraa’id ku wehelinayey wasiir Maxamed Biixi Yoonis, ayaa tilmaamay in aanay dawladda Faransiisku wax door ah ku lahayn inay qaddiyadda Somaliland u gudbiyaan Golaha Ammaanka, balse arrintaasi tahay hawl u taal Midawga Afrika.

“Sida wasiirku sheegay, dalka Faransiisku xubin joogto ah ayuu ka yahay Golaha Ammaanka, mawqifka dalka Faransiiskuna maaha wax aan la fahmi karin, balse waa in la ogaado in Faransiisku aannu arrintaas xidhiidh ku lahayn, arrintaasina (qaddiyada Somaliland oo loo gudbiyo Golaha Ammaanka) waa doorka u yaal Ururka Midawga Afrika (AU-da), laakiin taas macnaheedu maaha in aannu Faransiisku wax dano ama xiiso ah ka lahayn Somaliland iyo horumarkeeda,” ayuu yidhi safiirka Faransiiska ee Kenya.

Dalalka reer Yurub iyo waddamada kale ee reer Galbeedka, ayaa inta badan qaddiyadda madaxbannaanida Somaliland u riixa dhinaca Midawga Afrika (AU-da), iyadoo taasina tilmaamayso in dawladda Somaliland xoogga saarto sidii ay qaddiyada madaxbannaanida iyo aqoonsi-raadinta uga dhaadhicin lahaayeen dalalka qaaradda Afrika.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here