Xukuumadda Oo Ka Gaabisay Dacaytirka Waddada Tagta Madaarka Hargeysa Oo Inay Baaba’do Qarka U Saaran + SAWIRRO

0
24

Hargeysa  (Hubaal) – Waddada wayn ee ka timaada madaarka Caasimadda Hargeysa ee Cigaal ayaa waxa sanadihii u danbeeyay ay ahayd mid dayac baahsani ka muuqdo, iyadoona aanay jirin illaa hadda cid wax ka qabatay dayaca ka muuqday waddadaasi oo ah mid muhiim u ah bilicda iyo dhaqaalaha magaalada.100_7132-1024x768

Waddadani ayaa ah tan ugu muhiimsan caasimadda marka loo eego halka ay ku taallo iyo waxtarkeeda, wallow aanay helin waddadani muhiimadii ay lahayd.100_7130-1024x768

Shacabka caasimadda ayaa iyagu si wayn uga qaybliyay dayactir la’aanta waddada madaarka iyadoona waddadani ay tahay mid marka ay wufuudda caalamiga ahi kasoo dagayso garoonka diyaaradaha ee Cigaal ay soo maraan, taasi oo ku tusinaysaa in waddadani ay tahay muraayaddii dalka.

Xukuumadda Siilaanyo iyo xukuumadihii kale ee ka horreeyay ayaa iyagu ku fashilmay in ay wax ka qabtaan dayaca ka muuqda waddani oo taariikh ahaan la sheego in markii ugu horreysay la dhisay in ka badan 40-sanno ka hor.

Inkasta oo dowladda hoose ee caasimadda Hargeysa oo iyadu masuul ka ah waddooyinka caasimadda ay waddooyin badan dacaytirtay, kuwo aan hore jirinna samaysay, haddana waxaad moodaa inayna xooga saarin sidii wax uga qaban lahayd dayaca baahsan ee ka muuqda waddadani oo ah tan ugu muhiimsan caasimadda dalka isla markaana ah muraayaddii dalka.
100_7127-1024x768

Waddada madaarka oo sida aad ka arki kartaanba sawirrada waxa ka muuqda dayac baahsan kaasi oo sababaya in guud ahaanba ay wadadu meesha ka baxdo, inkastoo meelaha qaarkood ay baa’ba’dayba wadadani, waxaana kuu muuqanaya markaad ku lugaynayso godadka waawayn ee ku dhex yaalla iyo burburka xooggan ee roobabku ku sameeyeen, iyadoona guud ahaanba wadadu ay tahay mid dhulka la siman oo aan jooga dhulka waxba ka sarrayn.100_7132-1024x768

Sidoo kale, waxa jira iyaguna ganacsato waawayn oo ku hor ganacsada waddadani kuwaasi oo dhismayaal waawayn oo casri ka hor dhistay, balse aan iyagu illaa hadda isku hawlin sidii ay waddadani u horumarin lahaayeen maadaama bilicda iyo horumarka ganacsi ay qayb ka tahay.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here