Xukuumadda Oo Ka Hadashay Afar Dil Oo Toddobaadkii U Dembeeyey Ka Kala Dhacay Deeggaannada Boodhlay, Dhoqoshay, Beer & Gumbur-libaax

0
46

“Wiiggan Ugu Dambeeyey Dilka Gobolka Ka Dhacay Wuxuu Marayaa Afar, Aad Iyo Aadna Waanu Uga Xunnahay In Dhiig La Daadiyo”

“Si Aannu Aaska Uga Qayb-Galno, Nabadgelyadana Loo Xasiliyo Ayaanu Tagnay Meesha [Degaanka] Oo Isla Markii (Dilku Dhacayba) Dad La Afduubay,  Dhinicii Wax Tirsanayeyna Meydkii……..”

ramaax

Burco(Hubaal):- Guddoomiyaha gobolka Togdheer Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), ayaa ka warramay qaabka ay uga hawlgaleen dil ka dhacay deegaanka Gumbur-libaax oo gobolkaas ka tirsan, isla markaana sheegay inay gacanta ku soo dhigeen Nin ku eedaysan inuu dilkaas geystay iyo laba Nin oo kale. “Waxa ka dhacay magaalada Gumbur Libaax dil fool-xun, Allaah Marxuumka halkaas ku geeriyooday ha u naxariisto, Samir iyo iimaanna ha innaga wada siiyo. Annaga oo Guddiga nabadgelyada ah iyo Taliya qaybta shalayto waannu wada tagnay, si aannu aaska uga qayb-galno, nabadgelyadana loo xasiliyo, iyada oo culays wayn lahayd oo isla markiiba (dilku dhacay) Dad la afduubay jiray, Allaah mahaddii waxaannu ku guulaysannay, Dhinicii wax tirsanayey wanaag badan baannu kala kulannay, Meydkiina ku aasteen, nabadgelyadiina way ballan-qaadeen.” Guddoomiyaha gobolka Togdheer waxa uu sheegay in dilkaasi yimi markii la isku maandhaafay goob Sandaqad laga dhisay oo lagu murmay, isla markaana caqli-darro iyo shaydaan ka adeegay, ka dib dilkaasi dhacay. Waxa uu ku baaqay Badhasaabka Togdheer in Dadweynuhu waxay isku khilaafaan ku dedaalaan inay wadahadal, nabadgelyo iyo is-afgarad ku dhammaystaan oo aanay Hub isu adeegsan. Waxa kale oo uu Guddoomiye Ramaax sheegay in toddobaadkan ay gobolka Togdheer ka dhaceen Afar Dil, waxaanu intaas ku ladhay oo uu yidhi; “Wiiggan ugu dambeeyey dilka gobolka ka dhacay wuxuu marayaa Afar Dil, waad ogeydeen oo Maalintii Ciidda la tukaday Dhoqoshay ayuu dil ka dhacay, Beer iyo meesha la yidhaahdo Boodhlay, aad iyo aad baannu uga xunnahay in Dhiig la daadiyo.”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here