Xukuumadda Oo Ka Hadashay Dablay Habeen-hore Saq-badhkii Weerartay Hoyga Mid Ka Mid Ah Wasiirrada Dawladda Iyo Cidda Loo Qabtay

0
44

“Horta Xalay [habeen hore] Abaaro Labadii Iyo Rubac  (2:15) Mar ay Ahayd Saacaddu ayaa aniga oo nabad ku seexday oo guriga iska hurda waxa aanu ka war helnay rasaas illaa toban minit bay socotay oo naga dul dhacaysa”- Xog-hayaha Wasiirka oo Ka Hadlay Weerarkan

“Annagu Ma Hayno Weerar Toos Ah Oo Wasiirka La Weeraray, Hase Yeeshee In Ay Gurigiisa Agtiisa Xabbado Gaadheen Waa La Ii Sheegay, Laakiin….” – Wasiiru-dawlaha Amniga Somaliland

boosaha iyo isgaadhsiinta

Hargeysa (Hubaal) – Koox Dablay ah oo hubaysan, isla markaana aan la aqoonsan cid ay yahiin, ayaa habeen hore weerar ku qaaday guriga mid ka mid ah wasiirrada xukuumadda Somaliland ee dhalasho ahaan kasoo jeeda gobolka AWDAL. Wasiirka Boosaha iyo isgaadhsiinta Somaliland Maxamuud Sheekh Cabdilaahi Cige ayaa sheegay in habeen hore saq badhkii ay dablay hubaysan oo baabuur wataa rasaas oodda kaga qaadeen gurigiisa, halkaas oo ay iyaguna difaac ka galeen ilaalladiisu. Dableydii weerarka soo qaadey ayaa waxaa ay rasaas la dhaceen albaabada iyo gidaarada aqalkaasi waxaana iska caabin kala hor yimid ilaalada wasiirka , wax khasaare ahina kamuu dhalan. Xoghayaha Gaarka Ee Wasiirka Boosaha Iyo Isgaadhsiinta Somaliland Oo markii weerarku dhacayay goob jog ahaa isla markaana ku sugnaa guriga Wasiirka ayaa mar uu weriye Bedri Koosaar Maxamed Oo STAR TV ka tirsan wax ka weydiiyey sida wax u dhaceen waxaa uu yidhi “Horta Xalay [habeen hore] Abaaro Labadii Iyo Rubac (2:15) Mar ay Ahayd Saacaddu ayaa aniga oo nabad ku seexannay oo guriga iska hurda waxa aanu ka war helnay rasaas naga dul dhacayso aan is idhi illaa toban minit bay socotay”. Sidaas ayuu yidhi Xoghayaha wasiirku, waxaanu intaa ku daray “ Markasaan Dibada Usoo Yaacnay Oo Ilaaladayaduna Iyaga Oo Ridayaan Oo markaas dibadaan usoo baxeen Halkaas Gaadhi ayaa Taagnaa Oo Rasaas ayuu Soo Ridayay Oo Markaa Anigu Wax Hub Ah Maan Wadanin Ilalada Ayaa Igu Yidhi Dib U Naqo,Dib ayaan Uga Noqday Markaa markay Abaaro Sidaa U socotay Way Yaceen Nimankii Oo Ilalada Ayaa Banaanka Ugu Baxday Markaasay Yaceen”Ayu uYidhi Xoghayuhu. Mar Xogahayaha Gaarka Ee Wasiirka Boosaha Wax Laga Waydiidayay Khasaraha Ka DHeshay Weerarkaasi Ayaa Waxa U Yidhi”May Wax Khasaare Ah Oo Arintaa Ka Dhashay Ma Jiro ,Lakiin Intaa Aad Areegteen Indhahiina Aad Ku Areegteen Ayunba Jira Ee Guriga Soo Gaadhay”.

..Geesta kale Wasiirul dawlaha amniga ee wasaarada arrimaha guddaha Maxamed Muuse Diiriye oo falkan ka hadlay, waxaa uu sheegay in baadhis la wado, islamarkaana dad arrintaasi loo tuhmay la xidhay. “Kiiskaasi horta baadhis buu kujiraa weerar toos ah oo la yidhi wasiirkaa la weerarayna ma hayo, hase yeeshee gurigiisa agtiisa in ay xabbado gaadheen waa la ii sheegay, dadna waa loo hayaa [laakiin] ka hor dhici maayo waana la baadhayaa warbixinteedana gadaal baad ka heli doontaa”. Sidaas ayuu yidhi wasiiru dawluhu.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here