Xukuumadda Oo Ka Hadashay Dacwadda La Sheegay in Madashu U Gudbisay Dawladda Ingiriiska

0
60

 Hargeysa (Hubaal)- Xukuumadda Somaliland Ayaa Markii U Horeysay ka hadashay dacwadda la sheegay in madasha wada tashigu u gudbiyeen dawladda Ingiriiska ee ka dhanka ah masuuliyiin Somaliland ka tirsan. Wasiirka wasaaradda arrimaha dibeda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo shalay warbaahintu wax ka weydiisay dacwaddaas iyo jiritaankeeda ayaa gebi ahaanba meesha ka saaray isaga oo ku tilmaamay mid aanay waxba ka jirin. waxa uu Wasiir Maxamed Biixi ka Hadlay dacwad la sheegayo in saraakiil katirsan Madasha wada-tashiga iyo toosinta qaranku ka Gudbeen xubno xukuumadda katirsan, waxana uu sheegay inaanay arrimahaas waxba ka jirin,   waxana isagoo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, biixi yoonis1“Safiirkiigaygii ingiriiska joogay Waxa allah wax Dawladda ingiriiska loo gudbiyey ma jirto, Dadkaasina waa dad isku soo sawiray nin ingiriis ah oo meel taagan oo meel kale ka shaqeeya, Dawladda ingiriiskuna arrintaas waanu kala xidhiidhnay.” Ayuu yidhi wasiir MAxamed Biixi Yoonis. Dhawaan ayay ahayd markii xubno madasha wada tashiga Somaliland ka tirsan oo ku sugan wadanka ingiriisku sheegeen in ay dawladdaas u gudbiyeen dacwad ka dhan ah guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland, Wasiirka Duulista Hawada, safiirka Cusub ee imaaraadka ay Somaliland u magacawday iyo marwada koowaad ee Madaxweynaha Somaliland kuwaas oo ay sheegeen inay haystaan dhalashada wadanka Ingiriiska. Dhawaaqaas ka soo yeedhay madasha waxa ta’kiidiyey oo xoojiyey guddoomiyaha madasha wada tashiga Xasan guure Jaamac oo isaguna sheegay in ay jirto dacwadaas in kastoo ay xukuumaddu waxba kama jiraan ku tilmaantay.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here