Wasiirka Waxbarashada oo ka Hadlay Tayo Xumo ka Jirta Goobaha Waxbarashada Dalka
Hargeysa (Hubaal)- Wasiirka Waxbarashada Somaliland Md. Cabdillaahi Ibraahim Habbane, ayaa sheegay in waxbarashada ay cidhiidhi geliyeen hay’ado iyo dugsiyada gaarka loo leeyahay oo mid kasta man-haj shisheeye sito.
Wasiir Habbane oo ka hadlay kulan lagaga hadlaayey qorshaha jaamacadaha ee shanta sanno ee soo socota, ayaa tilmaamay in aanay jirin dawlad awood leh oo cilmi-baadhis ku samaysa tayada waxbarashada sare, balse loo baahan yahay in la wada tashado.
“18 Sanno ka hor ayaynu furnay Jaamacad illaa maanta way socdaan ,inaynu cilmi-baadhis ku samaynno weeyi maxaynu 18-ka inoo qabsoomay,dawlad xooggan oo cilmi-baadhistaa samaysa ma lihin,laakiin aynu wada tashanno ayaynu kaga baxaynaa”ayuu yidhi Md Cabdillaahi Dheere.
Wasiirka Waxbarashadu waxa uu sheegay in waxbarashadii noqotay baayac-mushtari, waxaanu yidhi; “Waxbarashadii waxa cidhiidh galiyay hay’ado yaryar (19 Hay’adood ayaa ku xidhiidhsan waxbarashada) haddana wax muuqda oo waxbarashadii iska beddelayaa ma jiraan,dhinaca kalena dugsiyadii gaarka ahaa oo mid waliba manhaj gaar ah wato taasi ayaa xun. Ma lagu dhisi karaa qaran. Yoolkeenu ha ahaado qaran mida oo hal manhaj leh laga bilaabo dugsiga hoose illaa jaamacadda, qaar badan ayaa manhajyo shisheeye sita, iib gayn ayay noqotay waxbarashadu, tacliinta aynu ka daynno baayac mushtaraynta,waa inaynu dhammaanteen wada shaqaynno oo aynu ubadkeenna u shaqaynno.
Wasiirku waxa uu Jaamacadaha u soo jeediyey in ay iska hubiyaan ardayda iyo macallimiinta ay qaadanayaan si tacliintu tayo u yeelato. “Waxa weeyi inaynu hal ujeeddo yeelanno inaynu hal dariiq u wada marno aayaha mustaqbalka carruurteenna, nidaamka la raacayo waynu ka doodi doonnaa. Ardayda soo galaya jaamacadda waa inuu haystaa shahaadadii dugsiga sare oo sax ah, lix bilood ku hay xaruntaadda, kadib ka koobiyayso. Haddii uu ardaygu yahay darajada (D) waa inuu qaataa kooras lix bilood ah. Waa la is fatashi oo ardayga soo galaya ayaa la eegi, macallinka ayaa la eegi, waa la kala shaandhayn midba mid ayay ka dheeree is leedaahay, waar intaan garanaynno aan ardayda u gudbinno oo ardaygu marka uu Jaamacadda ka soo baxo waa inuu cilmi-baadhis aqooneed qori karo.”
Wasiir Cabdillaahi Dheere ayaa guddoomiyayaasha Jaamacadaha ku wargaliyay in la is qiimayno doono isla markaan Jaamacadaha wanaagsan iyo kuwa aan wanaagsanayn ay kala sheegi doonaan, waxaanu yidhi; “Aynu xaqiiqda wajahno oo intaan naqaanno aan ardayda u dhigno, inta kale wakhtigeeda ha la gaadho, aqoonta wixii aynu garanayno aynu gudbino. Annagu(Wasaaradda waxbarashada) waxaannu odhanaynaa Jaamacadda qaldan way qaldan tahay, tii saxsanna dadka waanu u sheegaynnaa, wanaageedana waanu sheegaynaa. Jaamacadda waajibaadkeeda ka soo baxda waanu dhiirigalinaynnaa,ta xunna haddii aanu albaabada u laabi wayno waanu sheegi.”