Sarkaal Ka Tirsan Xukuumadda Oo Si Kooban Uga Hadlay Imaanshiyaha Siyaasigan U Soo Hiloobay Dalkiisa+Xisbiga WADDANI Oo La Weriyey In Uu Olole Xooggan Ugu Jiro Sidii Ay U Kasban Lahaayeen Ismaaciil Buubaa
Door Intee Le’eg Ayuu Ka Ciyaari Karaa Isu Soo Dhawaynta Somaliland Iyo Wadamada Carbeed
Hargeysa:(Hubaal)-Xukuumadda Somaliland ayaa tafaasiil kooban ka bixisay imaanshiyaha Siyaasiga Ismaaciil Maxamuud Hurre (Buubaa) oo Arbacadii toddobaadkan ku soo guryo noqday dalka, isagoo muddo labataameeyo sanno ah dibad meer ahaa. War kooban oo sarkaal ka tirsan xukuumadda Somaliland uu baahiyey ayaa soo dhaweeyey soo guryo noqoshada Ismaaciil Buubaa oo uu ku sifeeyey shakhsi ka mid ahaa mujaahidiintii kaalinta weyn ku lahaa halgankii siyaasadeed ee SNM horseedka ka ahayd ee lagu xoreeyey Somaliland, balse in kastoo uu markii dembe ka biyo diiday gooni isu taaggeeda uu waqtigan yaqiinsaday qaddiyaddii uu halganka ugu jiray. “ Waxaan si kal iyo laab ah u soo dhawaynaynaa Imaanshaha Siyaasiga Ismaaciil Hurre Buubaa oo ka mid ahaa geesiyaashii Xorriyada aynu haysano usoo halgamay. Laakiin ka mid ahaa dadka fikirka Somaliweynta aaminsanaa imikana yiqiinsaday in fikirkaasi uu noqday mid shaqayn waayay”. Sidaa waxa yidhi safiirka wareega ee Somaliland Amb. Keysar Cabdillaahi Maxamed Oo xalay qoraal kooban ku baahiyey barta uu ku leeyahay degelka Faceboo-ga. Safiirku waxa uu yididiilo ka muujiyey in imaanshiyaha siyaasigani uu kaalin door ah ka qaadan doono isu soo dhawaynta waddamada carbeed iyo dalkan Somaliland. Qoraalka Amb. Keysar oo dhamaystiranina waxa uu ku bilaabay sidan: “Waxaan si kal iyo laab ah u soo dhawaynaynaa Imaanshaha Siyaasiga Ismaaciil Hurre Buubaa oo ka mid ahaa geesiyaashii Xorriyada aynu haysano usoo halgamay. Laakiin ka mid ahaa dadka fikirka Somaliweynta aaminsanaa imikana yiqiinsaday in fikirkaasi uu noqday mid shaqayn waayay. Waxaan rajaynayaa inuu door fiican ka qaadan karo isu soo dhawaynta Wadamada Carbeed iyo Somaliland door firfircoona uu ka ciyaari doono siyaasada Somaliland mustaqablka dhow. Muwaadin kasta oo Dalkiisa Hooyo ku soo laabta kana qayb qaata Horumarka Dalkeena waa loo baahan yahay.” Ayuu yidhi safiirka wareega ee Somaliland Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed.
Dhinaca kale Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, ayaa la weriyey in uu dedaal u galay sidii ay u kasban lahaayeen rabitaanka siyaasadeed ee Siyaasi Ismaaciil Hurre Buubaa. Sida uu wargeyska HUBAAL xogo u dhuun daloola dhaqdhaqaaqa khabiirkan usoo boholyoobay dalkiisa uu ku helay ayaa tibaaxay in ay kaa dilaaliinta siyaasadda ee xisbiga WADDANI ay qancinta Buubaa u tafo xaydan yihiin. Xisbiga Waddani, waxa uu Dedaal Magaalada Hargeysa oo sal dhigashadiisa ay ilo wareedyadani sheegeen in xisbigu ku bixiyey adduun tobanaan kun oo dollar lagu qiimeeyey. ay.
Xisbigu waxa uu tan iyo wixii ka dambaysay markii Siyaasi Ismaaciil Hurre Buubaa uu shaaciyey inuu dhinaca Somaliland usoo socdo ayaa la sheegay In xidhiidho ay axsaabta mucaaridka ahi la sameeyeen gaar ahaanna reer WADDANI uu si kooban dalabkooda ugaga jawaabay war celin salka ku haysa inay siiyaan wakhti uu kaga baaraan dego go’aankiisa siyaasadeed, waxana uu intaas ku daray inuu Xisbiga Waddani kamid yahay Axsaabta uu u arko inuu ku biiri karo.
Hoggaanka Waddani xidhiidhka wanaagsan ee ay siyaasigan la la quud-darraynaya inay ku qanciyaan sidii uu ugu biiri lahaa Xisbiga Waddani, maadaama ay u arkaan inuu fure u noqon karo Iskaashi midho dhala oo dhex mara Beelaha Guddoomiye Cirro iyo Siyaasi Buubaa oo isku khilaafay Natiijadii kasoo baxday Doorashooyinkii 2010-kii ee dalka ka qabsoomay, kadib markii xisbiga UCID oo ku hadhay doorashadaasi uu ku hadhay doorashadaas taasina keentay tabasho beelahaas mid kamid ahi katirsatay Beesha kale.