Badhasaabka Gobolka Sool Oo Ka Hadlay Sida Wax U Jiraan
“Wax Dagaal ah oo lagu soo qaaday Ciidammada Qaranka JSL Ee Ku sugan Jiidda Tuko-raq, Marka LagaTegi Waayo’se Waxa….”
Hargeysa (Hubaal) Badhasaabka Gobalka Sool Cabdi Khayre Dirir Ayaa ka hadlay Warar sheegaya in Weerar lagu soo qaaday Ciidamada Qaranka Somaliland Ee Ku Sugan Deegaanka Tuko-raq Ee Gobalka Sool. Cabdi Khayre Dirir Waxa uu Sheegay in Saddex Baabuur oo kasoo jabhadeeyey aaga ay ciidanka Puntland Fadhiiska ka dhigteen Meel Durugsan Ka Soo Rasaseeyeen Ciidamada Qaranka Ee ku Sugan Deeganka Tuko-raq, Balse Wax khasare ahi ka dhicin, Waxana Sidaasi Ku Sheegay isagoo Badhasaabku Mar Uu Khadka Taleefanka Kula Hadlaayay HadhwanaagNews. Badhasaabka Oo Arimahaasi Si Faah-faahsan ugu Hadlayaa Waxa uu Yidhi “Wax Dagaal ah oo lagu soo qaaday ciidanka Qaranka Ma Jirto Hadii Laga Tagi Waayo Labada Sadex Gaadhi ayaa inta Meel Xogaa u jirta Ciidanka Soo istageen Rasaaseeyay Ciidanka Qaranka, Ciidankuna Jawaab ayey Ka Bixiyeen”. Ayuu yidhi badhasaabku. Geesta kale mar la weydiiyey In Wax Khasaare ahi Dhaceen Ayaa Waxa uu Ku Jawaabay “Maya ma jiro wax khasaare ah oo dhacay Haday Noqoto wax dhimasho ah ama dhaawacba”. Ayuu yidhi badhasaabku.