Xukuumadda oo Ka Hadashay Wiil ay Baddu Ku Liqday Berbera &Tirada Dhalinyaro U Dalxiis-tegay Oo Ee La Badbaadiyey

0
70

“Wiilka Badda ku Dhintay Laashka ayuu iska Tuuray, inta kale haddaan loo Gurmanna Yemen buu la tegi-laa…..” – Guddoomiyaha gobolka Saaxil

 

Berbera(Hubaal):- Allaah ha u naxariistee Wiil Dhalinyaro ah oo Da’diisa 20 ji lagu sheegay, ayaa ku geeriyooday Badda Berbera shalay, halka Saddex kalena laga badbaadiyey. Shilkan ayaa dhacay ka dib markii ay Laash bilaa Matoor ama bilaa Mishiin ah oo Xeebta Badda Berbera iska yaallay ay fuuleen Dhalinyaradan 7 ahayd oo ka tegay Hargeysa iyo meelo kale Fasaxa Ciidda awgii, kuwaas oo Badweynta ku galay Laashkaas. Wiilka dhintay, ayaa la sheegay inuu ka tirsanaa 7 Dhalinyarta Dalxiiska u socday ee Laashka Fuulay, kaasoo Warku sheegay inuu naxay markuu Laashka bilaa Matoorka ahi Badweynta la jibaaxay, isla markaana ka booday Laashka oo Baddu sidaa ku liqday, kuna geeriyooday, halka 3 Wiil oo ay wada socdeenna la soo badbaadiyey iyo saddex kale oo ay Berbera ku kulmeen oo Laashkaasi Bad-waynta la dhex-sabbaynayey. Guddoomiyaha gobolka Saaxil Jaamac Yuusuf Axmed, ayaa Warbaahinta u xaqiijiyey Geerida Wiilkaas, isla markaana waxa uu sheegay in Gurmad deg-deg ah oo ay Maamulka gobolka. ka degmada Berbera, Ciidammada ilaalada Xeebaha iyo Dhalinyaro loo tabobbaray samato-bixinta Dadka Baddu liqdo ama gudaha Badda Gaadiidka ay la socdaan waxyeello ku soo gaadho, kuwaas oo ka hawlgalay, una gurmaday Dhalinyaradaas, ayaa ku guulaystay inay 3 Wiil ka soo badbaadiyaan in Baddu liqdo. “Wiilka Badda ku Dhintay Laashka ayuu iska Tuuray, inta kale haddaan loo Gurmanna Yemen buu la tegi-laa..”sidaas ayuu yidhi Badhasaabka Saaxil, waxaanu sheegay in Dhalinyaro badan oo magaalooyinka Somaliland isaga yimi fasaxa Ciidda dartii ay Ciidammada Ammaanku Kaantarroollada Berbera laga galo ku joojiyeen oo ku xannibeen shalay oo ahayd maalintii labaad ee ciida carrafo. Badhasaabka Saaxil waxa uu ku dooday inay adkeeyeen Ammaanka iyo meelaha Badda laga geli karo wakhtigan Fasaxa Ciidda oo ka mid ah xilliyada ay Dadku Berbera ugu badan yihiin ee ay u Dalxiis-tagaan oo ay Ciidammo u diyaariyeen ilaaliya Badda, balse ay jiraan Dhalinyaro iska eegaysa Ciidammadaas oo meelo aan loogu talo-gelin in laga galo Badda ka gelaya. Maaha markii ugu horreysay ee Badda Berbera Dhalinyaro u Dabbaal-tegay ay ku geeriyoodaan, hase-yeeshee, markasta oo Fasaxyada Ciidaha iyo Sannaddada cusub la galo, waxa ku nafwaaya Dhalinyaro aan aqoon u lahayn Dabbaasha Badda oo Dalxiisa ahaan u taga, balse ay haddoodu timaaddo oo halkaas ku geeriyooda.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here