Wasaaradda Arrimaha Gudaha Oo Guddoomiyeyaasha KULMIYE iyo WADDANI Ku Eedaysay Fadqalallo Uu Socdaalkoodu Ka Dhex Abuurayo Dadka Kala Taageersan
“Haddaad Kuwiinna Guddoomiyeyaasha Ahi aad Idinku Raalli Kala Tihiin, Annagu Ma Ogollin Sidan Aad U Dhaqmaysaan [Waayo] Dadka Qaar Baa Maskax Yar Oo Markaba Is Feedhaya, waxaan leeyahay dhaqaallaha iyo dadka idiin shaqaynaya ha ku soo kordhinina eed”- Jaamac Cabdillaahi Biin
Hargeysa (Hubaal) – Xukuumadda Somaliland ayaa awaamiir culus oodigniino wata ku soo rogtay hoggaamiyeyaasha axsaabta siyaasadda ee socdaallada kaadh qaybinta ku jooga gobollada ay hawsha bixinta kaadhka codbixintu ka socoto ee Maroodijeex iyo Togdheer. Kuwaas oo socdaalladoodu u muuqdaan kuwo ay wacyigelinta qaadashada kaadhku ka sokow laga dhadhansan karo in ay olole ku jirto. Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland ayaa farriin khaas ah oo ay u dirtay guddoomiyeyaasha labada xisbi ee KULMIYE iyo WADDANI oo waqti xaadirkan ku sugan gobolka Togdheer isla markaana deegaammada gobolkaasi hoos taga ku maraya safarro food saaro looga dhigay wacyigelinta qaadashada kaadhka balse ololeyaal xisbi ku hoos jiraan ayaa uga digtay madaxdooda in ay isku goobo u hoydaan marka ay safarrada ku jiraan taasoo ay ku tilmaantay xukuumaddu in ay sababi karto fadqalalo siyaasadeed iyo mid amni labadaba. Wasiir ku xigeenka maamulka gobollada iyo degmooyinka ee wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Jaamac Cabdillaahi Biin ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in ay guddoomiyeyaasha xisbiyadu u hoydaan Hotello isku mid ah xilliyada ay safarrada ku jiraan waxaanu uga digay in aanay arrintaasi raalli ka ahayn. Ugu horeynse Wasiir Biin waxaa uu sheegay in qaadashada kaadhadhka codbixintu ay habsami uga socdaan gobollada labada ah ee Maroodijeex iyo Togdheer. “qaadashada kaadhka codbixinta ee ka bilaabantay gobollada togdheer iyo Maroodijeex si wanaagsan bay u socotaa, waxaananku sii guubaabinayaa labadaas gobol dadka kasoo jeeda ee ku sugan gobollada kale ee iyagu is diiwaangeliyey inay waajibaadkooda qaran gutaan oo ay qaataan kaadhka oo ay fuliyaan tirada diiwaangelinta ee ay ku muunaynayaan xaqa qarannimada dalkooda”.sidaas ayuuyidhi wasiirku xigeenka maamulka gobollada iyo degmooyinka ee wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Jaamac Cabdillaahi Biin oo shalay warbaahinta qaarkeed ku la hadlay magaallada Hargeysa, waxaanu intaa ku daray mar uu farriin gaar ah u dirayay axsaabta siyaasadda “ anigu waanyaabsannahay oo [waxaan arki jiray] xisbi haddii uu hudheel ku dago, xisbiga kale hudheel kale ayuu ku degi jiray, laakiin maan arag xisbiyo laysla soo doonanayo, dee haddaad idinku raalli kala tihiin kuwiinna guddoomiyeyaasha ahi dee dadka qaar baa maskax yar oo laba nin baa markaba is feedhaya.” Ayuu ku dooday Wasiir Biin, waxaana uu intaa ku daray isaga oo si gaar ah ugu digaya guddoomiyeyaasha xisbiyada “annaguna xukuumad ahaan ma ogollin inaad hudheel wada gashaanne, dee hudheellada magaallooyinku waa badan yihiinne hudheellada kala gala oo xisbiyada ka daaga af isa saarka fadqalallo ayaa ka dhalatee. Mida kale waxaan leeyahay diiwaangelinta marka aad goobahooda u baxaysaan subaxii midkiinba meel ha tago ee laakiin goobo kaliya ha isku hirdiyinna, ciidankana ha dhibinna, dalka iyo dhaqaallaha iyo dadka idiin shaqaynayana ha ku soo kordhinina eed ee markaad soconaysaan mid walowba dhinac mar oo mid walawba jiho u bax oo afkaartaad dadka kasoo dhaadhici, sidaasaa laguu ogol yahay oo aanu kugu raacsannahay oo waanu kugu ilaalinaynaa xukuumad ahaan, waxa aad naga rabtaanna waa wanaag,waxa aanu idinka rabnaana waa wax ka siiweyn illeyn idinka ayaa wax doonayee”. Ayuu yidhi Wasiir ku xigeenka maamulka gobollada iyo degmooyinka ee wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Jaamac Cabdillaahi Biin.