GUDAHA KA AKHRI: Aqalka Madaxtooyada iyo Shirguddoonka KULMIYE oo Dhufays U Galay Hanjabaadii Isbahaysiga Mucaaridka+Wasiirro Beeniyey warqadda Wikileaks oo midkood duray Cabdiraxmaan Cirro iyo Jamaal
“ Waxaan Leeyahay Cabdiraxmaanoow Waxa Aad Doonaysaa Waddanka Inaad Xukunto Ee Hayska Kala Didinin Dadka, Jamaal Cali Xuseen-na Waxaan Leeyahay Waxaad Tahay Soo-raac Oo Waxa Laga Yaabaa In……”
Hargeysa (Hubaal) – Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Siilaanyo ayaa maalintii shalay siyaabo kala duwan waxa ay meelo kala duwan iskaga difaaceeen fadeexadaha uu weriyey faafiyaha Wikileaks ee aadan in ay ay heshiis qarsoodi ah oo daaran nidaamka federaalka ay la saxeexdeen maamulka Soomaaliya. Aqalka looga taliyo Somaliland ee Madaxtooyada, laba wasiir oo ka tirsan xukuumadda iyo weliba shir guddoonka xisbul xaakimka dalka ee KULMIYE oo maallinimadii shalay siyaabo gooni gooni ah warbaahinta ula hadlay ayaa si adag u difaacay beeninta wararka uu faafiyey Wikileaks, waxaanay jawaabo isku mid ah ka bixiyeen hadallo ay dorraad isbahaysiga mucaaridka Somaliland gaar ahaanna xisbiga WADDANI ka soo yeedhay, kuwaas oo ay sida fiinta uga qayliyeen jiritaankiisa.
Wasiirka Khaarijiga
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah MD Maxamed Biixi Yoonis oo waraysi uu arrintan kaga hadlayo siiyey HCtv, ayaa eedaymahaas ku tilmaamay Been abuur, waxana uu meesha ka saaray in xukuumaddu arrimo noocaas oo kale ah ku shaqo leedahay. Maxamed Biixi waxa uu ku adkaystay inaanay xukuumadda uu katirsan yahay ku shaqo lahayn wax federal ku saabsan, “Waa Been cad oo qaawan oo xaqiiqada aad iyo aad uga fog, shacbiga reer Somaliland-na waa ogson yihiin in qaddiyada Federal-ku aanay somaliland shaqo ku lahayn, somaliland kama ay qaygelin arrimihii Ka socday Garowe iyo Road-map-ka somaliland-na gaarba isu taagtay.”ayuu yidhi Maxamed Biixi Yoonis. Wasiirka oo Hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay in necaybka ay federal-ka soomalia u hayaan dartii ay uga baxeen wada-hadalladii ay Somalia la lahaayeen, waxana uu yidhi,
“Iska daa federal oo shirkii somaliland iyo Somalia ka dhexeeyey waxanu ku joojinay markii ay Somalia kusoo darsatay niman somaliland u dhashay, halkaasayna somaliland qaddiyadeeda ka taagan tahay.” Wasiir Biixi waxa uu ceeb ku tilmaamay in arrimo noocaas oo kale ah somaliland iyo hoggaankeeda laga faafiyo, waxana uu farriin talo ah u diray dadka hawlahaas ku foogan, “Waxan u haystaa inay fadeexad tahay oo ay ceeb tahay in maanta lagu tilmaamo dadka reer Somaliland iyo Masuuliyiintoodu inay khiyaamo qaran wadaan. Waxana ku talin lahaa dadka masuuliyiinta ee umadda wax ka doonaya ee Beenta abuurayaa inay ka xishoodaan waxyaabaha qaarkood ee qaranka duminaya” ayuu yidhi wasiir Biixi.
Wasiir ku xigeenka amniga
“Waxaan leeyahay raga labada xil isku haya ee WADDANI iyo Baarlamaanka, oo ay jawaabtiisu tahay madaxweyne ayaad doonaysaaye, dadka hayska didinin oo dhiillo ha ku ridin, xalay [Habeen hore] wixii aad shubaysay waxa uu ahaa wax dhiillo ah oo aan weligeed la arag” sidaa ayuu yidhi Wasiir ku xigeenka amniga ee wasaaradda arrimaha gudaha Cabdi Daahir Cammuud oo isaguna xafiiskiisa kula hadlay magaallada Hargeysa, waxaana uu intaa ku daray oo yidhi “qaranimada Somaliland looga baqan maayo in xilka intan haysa ee ku jirta dawladdan Jamhuuriyadda Somaliland, laakiin adigu waxaad tidhi wax bay saxeexeen oo meel bay geeyeen, warqadaasna waa la beeniyey oo waa Foojari, wax ay xukuumaddani saxeexdayna maaha”. Wasiir ka sokow deedifaynta wararka wikileaks ee wasiir Cabdi Daahir Cammuud ka hadlay waxa kale oo uu duray guddoomiyaha xisbiga WADDANI ahna guddoomiyaha golaha wakiillada iyo musharraxa madaxweynaha ee xisbiga UCID oo uu naqdintooda ku talax tegey “ Cabdiraxmaanoow waxa aad doonaysaa waddanka inaad xukunto ee hayska sii kala didinin dadka waayo xalay in badan oo ku taageersanayd way kaaga dhaqaaqday arrinkaa. Jamaal Cali Xuseen-na waxaan leeyahay adigu waxaad tahay Soo-raac oo musharrax baad sheeganaysaa, waxa laga yaabaa in aanad meel ku gaadhin musharraxnimadaada, maxaa yeelay waxa aad ku hadlaysay ee beenta cad ahayd wax caqliga gelaya muu ahayn.
Aqalka Madaxtooyada
Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland oo isaguna arrintan ka hadlay ayaa sheegay in Madaxweyne Siilaanyo aan lagu tilmaami karin inuu shacbigiisa khiyaameeyo, waxanu yidhi “ Wax waliba wuxuu leeyahay Miisaan lagu eego suurtagnimadiisa waxaasi inuu jiro iyo in aanu jirin, shirkii ugu dambeeyay ee Somaliland iyo Soomaaliya Turkiga ku wadagaleen haddii ay jirto in dawlada Somaliland u habranayso in shir qarsoodi ahi u socdo Miis kagamay soo kacdeen, Somaliland iyo Soomaaliya shirar bay ku wadjiraan oo shirarkaasi danta Somaliland waxa weeyaan in si nabadd ah oo walaaltinimo ah, oo jaarnimo ah dadkaas u kala baxno, Rag mucaaridka ka mid ah waxay Madaxweynaha ku yidhaahdeen oo qaar baa yidhi waa khaayinu wadan, waa nasiibdarro waana aayaan darro. Madaxweynaha Somaliland Md. Siilaanyo sidaad la socotaan wuxuu ka hor yimid dawladii dadkan dhibaatada ku haysay oo kaalin weyn buu ku lahaa, xil buu ka hayay oo intii u dhaxaysay todobaatanaadkii ilaa sideedtamadkii, ficiladii ay dadkeena ku haysay markii uu arkay wuxuu go’aansaday in ku jiritenkii aanu lagu sii jiri karin.” Ayuu yidhi Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland.
Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE
Dhinaca kale guddoomiyaha Xisbiga Talada haya ee KULMIYE Muj. Muuse Biixi Cabdi Oo arrintan isna ka hadlay ayaa si lamid ah masuuliyiinta kale difaacay beeninta warkan, waxaana uu yidhi “ Arrintraasi meel ay naga soo gashay ma jirto, laakiin ninka afkiisa laga hayo ayaa laga rabaa in uu keeno halka uu ka keenay, shalay (Dorraad) waxaa ka hadlay guddoomiyaha WADDANI, arrintaasina mid dood loo quudho maaha Somaliland baa la iibinayaa iyo Somaaliya ayaa laga mid noqonayaa qofka dareenkaas qabana waxaa uu u eekaanayaa Layliga biyaha calooshiisa ku jira ka dida, waana dareen uu isagu qaadan karo, laakiin waxaasi dareen ina soo geli kara maaha, KULMIYE-na haba sheegin, Madaxweynahana haba sheegin, wasiirkii horena haba sheegin, laakiin qoladan WADDANI guddoomiyahooda oo arrintan yidhi ayaa looga fadhiyaa meesha uu ka keenay” “Haddii taariikhda la sheegayo, ninka maanta annaga waxaas nagu lihi 2001-kii Safiir buu u ahaa Dawladdii hore ee Afweyne ee Dhacday, waanka kii Hargeysa Fiisooyinka ku iibin jirey, waxana uu ahaa Safaaraddii Ruushka Wakiilkeedii.”