Xukuumadda Oo Ku Hambo-bertay Qeylo-dhaan Ay Warbaahintu Ka Qortay Cuntooyin Sadhaysan oo Somaliland Loo Soo waarido

0
87

 

Wasaaradda Ganacsiga Somaliland Oo Ka Hadashay Khudaar Iyo Hilib-digaag Somaliland Looga Iib Keeno Dalalka Masar Iyo Brazil

Hargeysa (Hubaal) – Xukuumadda Somaliland, ayaa markii ugu horraysay ka hadashay Hilib digaag iyo weliba Liin macaan ka timaadda dalka Masar oo adduun weynuhu mamnuucay, balse si joogto ah Somaliland loogu soo daabulo iyo waxa uga meel yaalla. Wargeyska Geeska Afrika Ayaa Cadadkiisii Shalay Arbacadii Soo Baxay WAxaa uu boggiisa hore far waaweyn ku qoray  War ku saabsan Khudaartan iyo Hilibkan oo uu sheegay in dunidu mamnuucday cunistiisa, hase yeeshee suuqyada Somaliland si xawli ah loogu soo daabulo.

Jawaabta Xukuumadda

_90351531_017563785-1_20Wasiiru-dawlaha wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Somaliland Md. Maxamuud Warsame Jaamac oo arrintan ka hadlay, ayaa shaaciyey inay xukuumaddu hore u joojisay Beed iyo hilib dalka dibaddiisa laga keeni jirey si loo dhiirrigeliyo wax soo saarka dalka, balse aanay jirin cunto ama agab kale oo caafimaad xumada uu leeyahay darteed loo joojiyey, waxana uu yidhi, “Annaga oo doorka masuuliyaddayada gudanayna waxan idiin sheegayaa in wasaaradda ganacsigu 26/1/2017-ka ay wasaaraddu joojisay beedkii iyo Hilibkii dalka dibadda kasoo geli jirey, annaga oo muwaadiniinta Somaliland ku dhiirrigelinayna inay wixii dalkeena gudihiisa laga heli karo aan dibadda la inooga keenin.” Wasiirku waxa uu sheegay inaanay xukuumad ahaan aqbali doonin in beed amaba hilib kale oo dibadda laga keenay dalka lasoo geliyo, “Imika wax beed ah iyo wax hilib ah oo dalka soo galaa ma jiraan, mana aqbalayno in dalka Hilib digaag iyo Beed midna la keeno,” ayuu yidhi Maxamuud Warsame. Isaga oo hadalkiisa sii wata wasiir Maxamuud Warsame waxa uu ka hadlay halista laga sheegayo liin macaan ka timaadda dalka Masar oo ay mamnuuceen waddamo badan oo caalamka kamid ahi, waxana uu caddeeyey inaanay haatan wixii ka dambeeya aqbali doonin in dalka loosoo waarido, waxana uu yidhi, “Dhinaca Khudaartana annaga oo ka duulayna inuu dalkeenu isku filaanshiiyo gaadho, aynta taasi kamid tahay siyaasadda madaxweyne Siilaanyo, liinta Masar ka timaadana ama ha ahaato mid cudur laga helay ama mid kale’e ma aqbali doono in dalka la keeno.” Waxa uu farriin cad u diray ganacsatada khudaarta dibadda kasoo waaridaysa iyo kuwo uu sheegay inay liisamadii ganacsi ee ay wasaaradda ka qaateen si qaldan u istcmaaleen, isaga oo ugu hanjabay inay tallaabo ka qaadi doonaan, “Ganacsatada reer Somaliland ee dalka gudihiisa ku beeraya khudaarta ayaanu annaga ganacsade u naqaanaa, ganacsade intuu liisan nagaga qaatay Somaliland baan kaga shaqaynaa dalal kale ula tallaabay uu jiro tallaabo ayaanu ka qaadaynaa, waana aanu uga digaynaa arrintaas,” ayuu yidhi wasiir Maxamuud Warsame.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here