Xukuumadda Oo La Weriyey In Ay Gacanta Ku Dhigtay Xubno Looga shakisan Yahay Xagjirka

0
31

booliska

Hargeysa(Hubaal) Ciidanka Booliiska Somaliland ayaa qab qabtay toddobaadkan shan qof oo looga shakisan yahay inay xidhiidh la leeyihiin kooxaha Xag-jirka ah ee fuliya hawl-galada Ismiidaaminta ah. shanta qof ee la xidhay waxay Booliisku ka soo kala qabteen gudaha Hargeysa, halka qaarkood-na hawl-galo bariga Somaliland laga fuliyey lagu soo guulaystay in lagu qabto. Booliiska Somaliland illaa hada kamay hadal dadkan, hase yeeshee sida lagu baahiyey bogga Waaheen.com oo aanu warkan ka soo xiganay xubnahan ayaa   waxa lagu wadaa baadhitaan, isla markaana waxa la hubinayaa eedaha lagu haysto inay ku cadaadaan iyo inkale. Wararka qaarkood ayaa sheegaya inay ka mid yihiin laba askari oo ka tirsan ciidamadda Somaliland,  kuwaas oo ka hawl-gali jiray wasaaraddaha dawlada qaarkood, halka mid ka mid ah dadkaas-na la sheegay in uu ahaa Sarrifle, balse warkaasi hubaashiisu ma cadda. Booliiska ayaa baadhitaano ku haya dadkan, waxaana maalmahanba soo baxayey warar is-khilaafsan, kuwaas oo ku saabsan shantan qof ee la qabtay, iyadoo la hadal hayo in qabashadooda ay qayb ka ahaayeen diyaaradihii dul haadayey deegaano ka tirsan Somaliland.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here