Xukuumadda Oo Lah-jad Gooni Ah Kaga Fal-celisay Xayiraadii Sucuudigu Saaray Laf-dhabatii Dhaqaallaha JSL

0
47

wasiirka-warfaafinta-cukuse

Hargeysa:(Hubaal)-Xukuumadda Somaliland, ayaa markii ugu horraysay si calaa-cal ah uga hadashay hakinta ay dawladda Sucuudigu saartay xoolihii ka dhoofi jirey geyiga Soomaalida oo ay ku jiraan kuwa Somaliland oo ay nolosha bulshada iyo midda dawladduba si weyn ugu tiirsanayd. Wasiirka xannaanada Xoolaha Somaliland Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir(cukuse)oo arrintan ka hadlay, ayaa hoosta ka xarriiqay inay xukuumad ahaan ka xun yihiin go’aanka lagu hakiyey xoolihii dibadda u dhoofi jirey, isla-markaana ay xooluhu yihiin noloshii umadda, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Warkaasi wuu nasoo gaadhay, mana aha war fiican oo waa war aanaan jeclaysanin, xoolaha la hakiyeyna waa xoolihii guud ahaanba dhulweynaha soomaaliyeed oo dhan, neefka adhiga ahina waa arrin nololeed, waana arrin dhaqaale.”

Isaga oo hadalkiisa sii wata wasiir Cukuse, waxa uu meesha ka saaray inay Xoolaha Somaliland ka dhaqani qabaan wax xanuun sida ay dawladda Sucuudigu ku andacoonayso, isla-markaana ay taas markhaati u haystaan,“Annagu waxanu xaqiijinaynaa inaanay xooluhu qabin wax xanuun ah oo aanay jirin xanuun xoolahaasi qabaan, wasaaradduna shaqada ugu badan ee ay qabataa waa shaqada caafimaadka xoolaha, hay’ado ay kamid tahay hay’adda OIE, oo ah hay’ad caalami ah oo xoolaha caafimaadkooda baadha ayaanu dalbanaynaa inay saddexdii bilood mar aanu dhacsiino oo ururrada marka horeba arrintan nagala socday iyo dawladda Sucuudiga oo ah suuqa ugu weyn ee xoolaheena haystaanba waxanu ku rajo weynahay inay nagula qancaan arrinkayagan aanu markhaatigiisa caddayno, dedaal baddana waanu ku jirnaa hadda” ayuu yidhi wasiir Cukuse.

Waxa uu sheegay inay dedaal u geli doonaan sidii ay dawladda Sucuudiga ugu qancin lahaayeen in xoolaha Somaliland caafimaadkoodu wanaagsan yahay, isagoo tilmaamay inaanay haatan macno lahayn dekedda ay ka dhoofeen xoolihii saarnaa markabkii uu sucuudigu soo celiyey ee uu ku sheegay in xanuun lagu arkay, waxana uu yidhi,“Ama Somaliland ha ahaato ama Soomaaliya amaba Ethiopa qaybta soomaalidu degtee neefka xoolaha ahi waa nolol, waana dhaqaale, mana ah neef aynu siyaasadaynayno, haddii ay arrintani xagga Soomaliya ka timina waa dhacdo saamaynaysa xoolaha soomaalida oo dhan, sidaas ayuuna ula dhaqmay Sucuudigu, gar iyo gardarrobana isagaa suuq inoo ah, inagana waxa ina saaran inaynu ku qancino inuu arrintaas ka laabto.”

Dawladda Sucuudiga, ayaa shaacisay inay xayiraad ku meel-gaadh ah saartay gebi ahaanba xoolihii uga dhoofi jirey geyiga Soomaalidu degto, kadib markii sida ay sheegtay lagu arkay xanuunno nolosha dadka halis ku ah, waxana ay taasi halis ku noqonaysaa nolosha dadka guud ahaanba Soomaalida oo si weyn ugu tiirsan xoolaha ay dalweynaha sucuudiga u dhoofiyaan.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here