Xukuumadda Oo Loo Soo Jeediyay Eedo Ah Inay Qaloocisay Tubta Nabaddeynta Buuhoodle

0
26

“..Waxaannu diid-danahay in labadii Beelood ee wax u dhexeeyaan dhinac loo yeedho oo wada hadal lala furo..

Ma metelaan shacbiga reer Qorulugud  Suldaan Maxamuud Guuleed Mirre iyo Suldaan  Suldaan Maxamuud Xuseen”. Xildhibaan Xariir

sola-madowHargeysa(Hubaa)-Khilaaf ayaa ka dhashay qaabka loo bilaabay qorshaha nabadeynta ee sida muuqata u dhexeeya saddexda dhinac ee kala ah Deegaamada Buuhoodle iyo Qorulugud oo aan Collaadii  ehliga ahayd ee dhax-taalay xal gudahooda ah ka gaadhin iyo   Dawllada Somaliland iyo Shacbiga Buuhoodle oo aan iyaguna Maslaxad dhexdooda ah ka gaadhin Utuntii ka dhalatay Dagaaladii jiidaas ku dhex maray Ciidanka Qaranka iyo Maleeshiyo beeleedka Buuhoodle.

Bilowga Dhaqdhaqaaq lagu yagleelayo degenaanshiyo Bulsho iyo mid Siyaasaddeed oo lagu soo af-jarayo xaaladihii Gobolkaa ka aloosnaa afartii sannadood ee la soo dhaafay, ayaa ku  abuuray biyo-diid Bulshada ku dhaqan Degmada Qorulugud oo qayb  ka ah saddexda dhinac ee collaadu u dhaxayso oo ay dawladdu ku jirto, taasoo ka dambeysay kaddib markii ay xukuumaddu wada-hadalo la furtay Wufuudda  ka socda Buuhoodle oo arrinta nabadeynta Hargeysa.

Wada-hadalada Xukuumaddu la bilowday Cuqaasha iyo Waxgaradka reer Buuhoodle oo aanay ilaa hada  wax isla meel dhigin labada dhinac ee Xukuumadda iyo Weftiga Buuhoodle,  balse kulamadii ugu horeeyey ee ay yeesheen lagu balaysimay isfaham ku kooban in nabadeyn la bilaabo, ayaa waxa si adag u naqdiyey Siyaasiyiin iyo Xildhibaano ka soo jeeda dhinaca Saddexaad ee Qorulugud oo sheegay inay  soo dhaweynayaan talaabo kasta oo hore loo qaaday oo ku saabsan xal u helida Xiisada u dhaxaysa Deegaamada Ood-wadaagta la ah.

Xildhibaanada iyo Wax-garadka Deegaanka Qorulugud, ayaa ku dooddaya in gabi ahaanba la gees maray Dariiqii nabadda lagu curin lahaa, isla markaana cid aan  ahayn Isimadii iyo Waayeelkii dhinacooda uga qayb-qaadan lahaa gogosha nabadeyntu ay dusha riteen doorkoodii, taasina ay meesha ka saarayso u dhamaanshiyihii darafyada xaajadu u dhaxayso.

 Sidaasina waxa sheegay Xildhibaan Xariir Siciid Bullaale oo Golaha Wakiillada ka tirsan, kana  ka mid ahaa xubno Warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa oo eeddeymo u jeediyey Xukuumadda iyo Madaxdhaqameedyo ka soo jeeda Bariga Burco oo ay ku canaanteen inay hannaan khaldan u bilaabeen. “waxaannu diiddanahay in labadii Beelood ee wax u dhexeeyaan dhinac loo yeedho oo wada hadal lala furo, dhankii kalena ay cid aan metelin, oo hore wax looga saarayay dhibaatadii meesha ka dhacday ay  dusha u ridato doorkoodii, taas waxaanu u aragnaa  inaan nabaddeyn la wadin ee ay  Niman dan gaar ah wata oo Salaadiin Sheeganaya oo aan ahayn dadkii reer qorulugud taladoodu ka go’aysay howshan wataan”ayuu yidhi Xildhibaan Xarriir oo xalay Wargeyska Yool kula xidhiidhay Khadka Telefoonka isagoo ku sugan Magaalada Hargeysa.

Xildhibaanka ayaa si toosa ugu eeddeeyay Xukuumadda iyo Xubno salaadiinta Bariga Burco ka mida inay leexiyeen ama si khaldan u bilaabeen dhismaha nabaddeyn loo dhanyahay. “Xukuumadda waxaanu ku eeddeynaynaa inaanay  u yeedhin dadkii metelayay labada  Beelood ee ay dhinaca Buuhoodle uun hada wax la wado, xagaygiina aanay cidba kala tashan oo ay Nimankan soo gacan dhaafay  howsii Suldaanka Guud ee Bariga Burco aanu u igmanay”.

“Suldaanka guud ee Beesha Bariga Burco ayaa awood u leh ciduu beel ahaan u saarayo ka hadalka nabadeynta, isagaa masuuliyada leh haduu ka qayb-gelayo iyo hadii kaleba, laakiinse nimankan iminka howshan wadaa ma metelaan deegaanka wax tirsanaya ee isaguba nabadda doonaya.”ayuu hadalkiisa raaciyey Xildhibaan Xariir, waxaanu intaas ku daray  “ ma metelaan shacbiga reer Qorulugud  Suldaan Maxamuud Guuleed Mirre iyo Suldaan  Suldaan Maxamuud Xuseen”.

Ma jirto wax jawaaba oo ay Xukuumaddu ka bixisay Eeddeynta uga timi dhinac ka mida Beellihii dirirtu ku dhex martay Deegaanka Kalshaalle ee ay ilaa hada collaadu u dhaxayso, iyo sidoo kale  wax tafaasiila oo ay ka bixisay qaabka la dhaliilayo ee wax u socdaan, hase-ahaatee warar kale oo madaxbanaan oo Wargeyska Yool ka helay Khilaafka soo if-baxaya, ayaa sheegaya in Beesha Qorulugud aad u saluugsantahay qorshaha nabada ee uu Suldaan Maxamuud Guuleed Mirre hogaaminayo,  taasoo sida la tibaaxayo aan rajo fiican laga qabin midho-dhalkeeda, dhowr jeerna hore u soo fashilantay.

Geesta kale, Weftiga Cuqaasha u badan ee ka yimi Deegaamada Buuhoodle, ayaa wali ku sugan Magaalada Hargeysa, kuwaasoo ka sekow shirarkii xukuumadda dhex maray aan wada-xaajood rasmiya la furin beesha ay Ood –wadaagta yihiin, oo marka si guud loo eego  ay ka go’antahay  labadoodaba inay heshiis gaadhaan

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here