“Xisbiga KULMIYE Waxa Uu Dhawaan Qabsanayaa Shirkiisa Golaha Dhexe Inta Aynu Ognahayna [Madaxweyne Siilaanyo] Waa Musharraxeena”
“Waxanu Doonaynaa Inaanu Ka Digno Oo Madaxweynuhu Oggol Yahay In Shirka Golaha Aan Loo Fahmin Shaqo Qof Doonanayo Iyo Xil Qabiil Helayo Ama Qabiil Ku Khasaarayo”-Wasiir Cukuse
Hargeysa:(Hubaal)-Xukuumadda Somaliland, ayaa ka Hadashay Ujeeddooyinka laga leeyahay Qabashada shirka Golaha dhexe ee Kulmiye ee loo ballansan yahay Bisha Soo Socota, waxana ay ka digtay Gal-daloolooyin ay sheegtay inay ka muuqdaan Qaban-qaabada shirkaasi loogu jiro iyo loollanka Siyaasiyiinta Hunguriga Hoggaaminta Dalku hayaa saamaynta ay Bulshada ku yeesheen.
Wasiirka Warfaafinta Somaliland Md Cabdilaahi Maxamed Dahir Cukuse oo arrintan ka hadlay xilli uu kamid yahay waftiga madaxweynaha ku wehelinaya Safarka uu ku joogo Dalka Ireland, ayaa sheegay in baahi weyn loo qabo ka dheeraanshaha shirar Doceedyo Shirkaas Golaha dhexe ee Kulmiye hordhac u ah oo meelo badan oo dalka Gudihiisa ah ka socda,
“Waxaynu u Baahanahay inaynu nabadgelyada iyo isku duubnida iyo dimuqraaddiyada wada ilaashano oo aynu qabyaaladda iyo Ardaayada dadka loo kala fadhiisinayo aynu ka dayno.” Ayuu yidhi Wasiir Cukuse.
Wasiirka oo hadalkiisa sii wata, ayaa ku adkaystay in musharraxa la ogyahay ee Xisbiga Kulmiye leeyahay uu yahay Madaxweynaha Qaranka, isla-markaana aanay jirin meel uu kaga tanaasulay Hankaas uu hore u shaaciyey, waxana uu yidhi,“Xisbiga Kulmiye ee uu aasaasay maantana hoggaaminayaha ka yahay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud(siilaanyo), waxa uu dhawaan qabsanayaa shirkiisa Golaha Dhexe, shirkaas ayaana aan doonayaa inaan inyar iftiimin ka bixino, iftiimintaasina ay noqoto saamaynta uu dalka iyo xisbigaba ku yeelanayo shirkaas iyo waxa looga baahan yahay iyo shaqada lagu qaban doono. Marka ugu horraysa madaxweyne ayeynu leenahay, waana Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, inta aynu ognahay waa Musharraxeena inta la gaadhayo shirkaas.” Wasiirku waxa uu sheegay inay jirto Isfahan waa u dhexeeya dhaqanka Dalka yaalla iyo dimuqraadiyadda aynu qaadanay, waxana uu yidhi,
“Maadaama uu madaxweyne Siilaanyo ahaa hoggaamiye tiir adag u ahaa Dimuqraadiyadda dalka ka dhaqan gelaysa, waxa aad dareentaan in Dimuqraaddiyaddaas iyo tartankaas iyo dhaqankeena oo aan u barani ay mararka qaar keenaa Erayo iyo dhawaaqyo iyo dhaqdhaqaaqyo aan ina farxad gelin.”
Waxa uu wasiirku ka digay in shirkaas Golaha dhexe loo fahmo arrin reer gaar ah iyo ardaa gaar ahi leeyihiin, balse taas beddelkeeda sida uu sheegay ay tahay madal ciddii sharcigu ogol yahay hankeeda kusoo bandhigi doonto,
“waxanu doonaynaa inaanu ka digno oo madaxweynuhu oggol yahay in Golahaas dhexe ee la imanayo sidii caadiga ahayd tartanka muwaadiniinta Xisbigaasi kamid ahi ay ku tartami karaan iyagoo xor ah oo xaqa ay leeyihiin ee Distooriga ah iyo midka Xeerka Xisbiguba siinayaan muwaadin walba oo uu isku sharraxi kari Hankiisa halka uu ku siman yahay oo aan loo fahmin shaqo qof doonanayo iyo xil qabiil helayo ama qabiil ku khasaarayo. Sidaas ma ahee waa xil aynu wada leenahay oo culus oo la doonayo in umaddu dareento inay wada leedahay, umaddana waxanu leenahay yaanay inaga leexan Hannaanka Dimuqraadiyadeed ee aynu jilnay.” Ayuu yidhi Wasiir Cukuse.
Hadalka wasiirka xukuumadda u qaabilsan Arrimaha warfaafinta kasoo yeedhay, ayaa kusoo beegmaya xilli ay inta badan meelo badan oo dalka ah ka socdaan shirar doceedyo Beelaha qaarkood ku shaacinayaan inay taageero gaar ahaaneed u hayaan xubno cayiman oo Kursiga madaxweynenimo u taagan, waxana hadalkani muujinayaa inaanu madaxweynuhu arrintaas ku faraxsanayn.