Wasiir M. M. Diiriye Oo Cid Kasta Oo Amuur Siyaasadeed Ugu Baqooshay Xamar Sheegay Inay Soo Laabashadooda Ay Eedi Doonaan
Magacyada Iyo Beellaha Ay Kasoo Jeedaan Lixda Xildhibaan Ee Shalay La Doortay & Beellaha Samaroon Iyo Sacad Muuse Oo Hormadii Ugu Badnayd Soo Xushay
Hargeysa (Hubaal) – Xukuumadda Somaliland ayaa markii u horeysay ka hadashay doorashada xildhibaannada loo soo xulay aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya gaar ahaanna kuwa Somaliland metelaya oo shalay la bilaabay xulashadooda. Wasaaradda arrimaha Gudaha Somaliland, ayaa sheegtay in ay dambiileyaal yihiin dadka u shaqo tegaydalka Somalia ay yihiin dambiileyaal qaran oo aan ku soo laaban Karin Somaliland. Magacyada Iyo Beelaha Ay Kasoo Jeedaan Xildhibaannada Somaliland U Meteli Doona Aqalka Hoose Xildhibaanada aqalka Hoose ee Somaliya, qaybta sheegata inay metesho Somaliland, ayaa maalintii shalay si rasmi ah loo gudo galay, waxana la doortay ilaa 6-xildhibaan oo kamid ah 45-mudane oo deegaannadan loo qorsheeyey. Xubnaha shalay la doortay, oo dhammaantood kasoo jeeda beelaha Samaroon iyo Isaaq, ayaa lix keli ah lagu kala calaf qaaday, waxana hoggaaminaya siyaasiyiinta Somaliland u dhalatay ee horeba ugu midka ahaa xukuumadda Xamar, kuwaas oo ay hor boodayaan Maxamed Cumar Carte Qaalib oo Ra’isal wasaare-ku-xigeen ka ah xukuumadda Xasan Sheekh iyo weliba Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ooh ore u ahaan jirey wasiir Arrimo dibadeed. Beesha Samaroon oo iyadu aqalka Hoose ee Somaliya looga qoondeeyey 9-xilldhibaan ayaa maalintii shalay Saddex mudane oo aqalkaas u meteli doona, kuwaas oo uu Ex. Wasiir Beyle hormood u yahay. Beelaha Sacad Muuse oo iyaga laftoodu aqalkaas ku leh ilaa Afar mudane, ayaa doortay laba xildhibaan oo uu midkood yahay Maxamed Cumar Carte Qaalib. Beesha saddexaad ee maalintii shalay xildhibaanno magaceeda ku joogaa kamid noqdeen Baarlamaanka Muqdisho, ayaa ah beesha Arab, waxana halkaas kasoo baxay haweenay magacooda kusoo baxday. Magacyada lixda Xildhibaan ee maalintii shalay iyaga oo sheeganaya inay metelayaan shacabka ku dhaqan Somaliland kamidka noqday aqalka hoose ee Baarlamaanka Somaliya iyo weliba reeraha ay kasoo jeedaan, ayaa waxa ay kala yihiin sidatan:
1-Maxamed Cumar Carte…………………….Isaaq-Sacad Muuse
2-C/raxmaan Ducaale Bayle/…………………Gadabursi-Max’ed case.
3-Caasho Maxamuud Cumar (Koos)………. Gadabursi-Max’ed case.
4-Yurub Axmed Raabi/……………………….Isaaq-Arab
5-Maxamed Ibraahim Cabdi………………….Isaaq-Sacad Muuse
6-Axmed Dhimbil Rooble (Casoowe)………..Gadabursi-Max’ed case.
Doorashada ayaa sii socon doonta ilaa maanta iyo weliba maalmaha soo socdaba sida qorshuhu yahay inta laga dhamays tiraayo 45 ta xubnood ee laga siiyey beelaha kala duwan ee ka soo jeeda Somaliland aqalka hoose ee barlamaanka Somaliya. Shaacinta xubnahan xildhibaanimada sheeganaya, ayaa kusoo beegmaysa xilli maalintii shalay ay xukuumadda Somaliland soo saartay awaamiir ay ugu hanjabayso xubnaha magaca shacabka sheeganaya ee Xamar u qadhaabsiga tegaya, waxana ay shaacisay inay xubnahaas iyo ciddii kale ee Soomaaliya xil u doonataba sharciga la tiigsan doonto, una aqoonsan doonto dambiileyaal qaran. Wasiiru Dawlaha arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye, ayaa sheegay in cid kasta oo u shaqo tagta Somalia ay uu yahay khaainul waddan ama dambiile qaran tallaabana laga qaadi doono haddii ay isku dayaan in ay ku soo laabtaan hargeysa. Maxamed Muuse Diiriye oo la hadlayey BBC ayaa waxa uu sheegay in ay Somaliland tahay dal leh distoor oo nidaamkiisa dawladnimo dhamaystiran yihiin isla markaana cidda u shaqo taga Somalia ay Somaliland tallaabo ka qaadi doonto.