“waxana aanu si cad u sheegaynaa in ZAAD-ku yahay caqabadda ugu weyn ee shilinka dalka haysata, waxana nasiibdarro ah in shirkadda Telesom nin u hadlay uu sheegay in go’aankii soo baxay ee shacabka Somaliland loogu hiilayey uu yahay mid dhinac ah, waxan leeyahay arrintaasi waa ayaandarro….”wasiir Cali-dhegoole
Adeegyada Zaad-ka iyo E-dahabka Oo 48-saacadood loo qabtay inay hab-xisaabaadkooda kaga Saaraan wixii ka yar $100 iyo Iyo Shacabka oo u dhegtaagaya fulinta qodobkan
Hargeysa:(Hubaal)-Xukuumadda Somaliland, ayaa sii xoojisay sidii ay u dhaqan gelin lahayd wareegtadii madaxweyne ee dhawaan lagu taxay qoddobada loo arko inay sicir-bararka iyo qiime dhaca lacagta dalka ka masuul yihiin, waxana ay muddo kooban u qabatay hirgelinta wareegtadaas.
Shir jaraa’id oo ay shalay qabteen masuuliyiin ay kamid ahaayeen wasiirka Ganacsiga, guddoomiyaha Baanka dhexe, taliyaha ciidanka iyo weliba wasiir-ku-xigeenka maaliyadda, ayey fariin cad ugu direen cid kasta oo isku dayda inay ka hor timaaddo amarkii madaxweynaha ee danta bulshada lagaga hadlayey, waxana ay si gaar ah ula hadleen shirkadaha qaarkood oo isku dayaya inay awaamiirta madaxweynaha ka hor yimaadaan.
Masuuliyiintan oo hadalka u kala dambeeyey, ayaa carrabaabay shirkado lagala noqday liisankii ay dalka kaga qaban jireen adeegga sarrifka, iyaga oo sidoo kale farriin adag u diray shirkadda isgaadhsiinta TELESOM oo iyadu hore u shaacisay inaanay go’aamadaas u hoggaansamaynin.
Wasiir-ku-xigeenka wasaaradda maaliyadda Somaliland Md. Cali Axmed Maxamed(cali-dhegoole)oo ugu horrayn halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in adeegyada Zaad-ka iyo E-dahabku fure u yihiin qiime dhaca ku habsaday shillinkii Somaliland, isaga oo cambaareeyey sarkaal u hadlay shirkadda Telesom oo diidmada go’aanka madaxweynaha warbaahinta qaarkeed mariyey, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Zaad iyo E-dahab baa noqday mushkiladda koowaad ee shilinka Somaliland ka socon waayey, waxana aad markhaati ka tihiin in maanta xataa cadaygii iyo Baalashkii lagu iibinayo ZAAD iyo E-dahab, taasina waxa ay meesha ka saartay shilinkii Somaliland, waxana aanu si cad u sheegaynaa in ZAAD-ku yahay caqabadda koowaad ee shilinka dalka haysata, waxana nasiibdarro ah in shirkadda Telesom uu nin u hadlay uu sheegay in go’aankii soo baxay ee shacabka Somaliland loogu hiilayey uu yahay mid dhinac ah, waxan leeyahay arrintaasi waa ayaandarro.”
Wasiirku isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay inay dedaal badan geliyeen sidii ay shirkadaha waddanku u taabo geli lahaayeen, balse ay su’aalo ka taagan tahay sida ay bulshada ugu naxariisato,“Shirkadahayaga reer Somaliland waxa ay naga ahayd inaanu soo barbaarino oo soo korino oo ay noqdaan qaar dalkan ku darsada lexejeclo iyo wanaag, laakiin afhayeenka Telesom waxa uu muujiyey inaanu u naxayn oo aanay damqasho ka haynin shacabkeena uu aafeeyey sixir-bararku” ayuu yidhi wasiir Cali Dhegoole.
Wasiir Cali Dhegoole waxa uu si gaar ah uga hadlay sarkaalka u hadlay shirkadda Telesom ee shaaciyey inay amarka madaxweynaha diidan yihiin oo xilligan xabsiga ku jira, waxana uu xusay in hannaankii uu u hadlay ahaa mid u muuqday jees-jees iyo naxariis la’aan, waxana uu yidhi,“Maax qaabka uu u hadlay waxa uu ahaa qaab jees jees ah oo shacabka reer Somaliland iyo dhibaatada haysatada aan ka damqanayn, waxana uu caddeeyey inay TELESOM dhiig-miirato tahay.”
Wasiirku waxa uu si cad u sheegay in go’aanka madaxweynuhu si buuxda u dhaqan geli doono, isla-markaana ay cudud u adeegsan doonaan ciddii ka hor timaadda,“Waxan leeyahay go’aanka uu madaxweynuhu wareegtada kusoo saaray waxa uu noqonayaa mid soconaya, cid kasta oo ka hortimaaddana tallaabo adag baanu ka qaadaynaa, sharcigana waanu la tiigsanaynaa, mana jirto baqdin aanu ka qabno socoshada go’aankaas” ayuu yidhi wasiir Cali-dhegoole.
Dhinaca kalena Maxamed Cabdi Ibraahim Dhoobaale oo ah guddoomiyaha baanka dhexe ee Somaliland oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa muddo 48-saacadood ah u qabtay inay hab xisaabaadkooda kaga saaraan shirkadaha iska leh adeegyada Zaad-ka iyo E-dahabka, haddii kalena ay tallaabo adag ka qaadi doonaan, waxana uu yidhi“Zaad iyo E-dahabHannaan xisaaboodkooda waa inay ka saaraan wixii ka yar Boqol dollar, 48-saacadoodna way haystaan, wixii intaas ka dambeeyana dambi baa ka dhalanaya, waana inay muddadaas xisaabtooda kaga saaraan iyaga oo u beddelaya shilling Somaliland.”
Guddoomiye Dhoobaale isaga oo hadalkiisa wata waxa uu shaaciyey inay xukuumaddu ruqsadihii kala noqotay qaar kamid ah shirkadaha waddanka ugu waaweyn oo adeegga sarrafka lacagaha ku jiri jirey,“Dahabshiil, Telesom iyo Oomaar laga bilaabo maanta ruqsaddii sarrifka ee ay haysteen waa lagala noqday wax sarrif ah oo ay ku jiri karaana ma jiraan, haddii lagu arkona dambi baa ka dhalanaya” ayuu yidhi guddoomiye Dhoobaale.
Wasiirka wasaaradda ganacsiga Somaliland Md. Cumar Shucayb iyo taliyaha guud ee ciidanka Booliska sarreeye guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan oo iyaguna halkaas ka hadlay, ayaa ku adkaystay inay heegan ugu jiraan sidii ay amarka madaxweynaha u fulin lahaayeen, waxana ay digniin u direen cidkasta oo isku dayeysa inay awaamiirtaas bulshada loogu danaynayo ka hor timaaddo.