Hargeysa:(Hubaal)-Xukuumadda Somaliland, ayaa markii labaad hakad saddex bilood ah saartay dhaqangelinta mushaharka shaqaalaha cusub ee ku jira miisaaniyadda sanadkan 2017-ka, iyada oo cuskanaysa abaarta baahsan ee dalka ka jirta.
Kulan ballaadhan oo waaxda shaqaalaha dawladda iyo hoggaankeedu shalay la qaateen madaxweyne Siilaanyo, ayaa la iskula gartay in saddex bilood oo kale lagu sii daro hakadkii hore u saarnaa shaqaalaha cusub ee dawladda, iyada oo sababtana ku sheegtay xaaladda abaareed ee dalka kusoo baahaysa oo aan saamaxayn in la bixiyo lacago shaqaale cusub la siiyo.
Afhayeenka madaxtooyada Somaliland Md. Xuseen Aadan Cige(Deyr) oo markii kulankaasi soo dhammaaday hakinta shaqaalaha cusub faahfaahin ka bixiyey, ayaa shaaca ka qaaday in hoggaanka hay’adda shaqaalaha iyo madaxweynuhu isla qaateen in saddex bilood oo kale la hakiyo shaqaalaha cusub ee sanadkan miisaaniyadda ku jirey, isaga oo intaas ku daray in arrintaas si weyn loogu gorfeeyey kulankii Khamiistii ee golaha wasiirrada, waxana uu yidhi, “Waxa jira duruufo dhaqaale iyo duruufo abaareed oo dalkeena haysta, waxana ay taasi keentay in hadda ka hor la hakiyo shaqaalihi dawladda ee cusbaa ee la qaadanayey, xaaladda abaaraha iyo gurmadka dadkeena aynu ugurmanayno waxa uu madaxweynuhu go’aamiyey in umadda loo gurmado, ilaahayna la isku xidho, sidaas daraadeed shaqaalaysiinta iyo in dad shaqaale ah la qoraa waa muhiimadda koowaad ee xukuumaddani ay leedahay, laakiin maanta mudnaanta waxa iska leh oo la rabaa in qaran ahaan loo wada guntado sidii umaddeena abaaruhu haystaan loogu gurman lahaa, shirkii Khamiistii ina dhaaftay waxa uu madaxweynuhu go’aamiyey in la hakiyo qoritaanka shaqaalaha dawladda dhammaan awooddeenana aynu isugu geyno gurmadka abaaraha.”
Sidoo kale guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha Mr. Sharma’arke geelle oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa faahfaahiyey sababta markii labaad loo hakiyey shaqaalaha cusub ee sanadkan, isaga oo xusay in marka abaarta laga baxo shaqaalaha hawshooda si fiican loo geli doono, waxana uu yidhi,“Muddo saddex bilood ah shaqaalaha dawladdu waxa uu ku jirey hakad loo hakiyey xaaladaha dalkeena oo ay ugu horrayso gurmadka iyo taakulaynta loogu jiro abaaraha oo la rajaynayey in saddex bilood kadib shaqaalaha inaynu xulashadooda iyo hufiddooda bilowno, saddexdii biloodna way soo dhammaadeen, talada maanta la isugu yimina waxa ay ahayd xaaladda halkan ku xigaysa, taladiina waxa ay noqotay in shaqaalihii dawladda la hakiyo ilaa ay xaaladeenus sidan kasoo raysanayso oo aynu ka dhigno qorista shaqaalaha mar labaad baahideena koowaad.”