Go’aamadani ma ka baydhi doonaan waddadii ay mareen kuwii ka horreeyey Ee Uu Kii Sicir-bararku Ugu Dambeeyey?
Hargeysa:(Hubaal)-Hay’adda ammaanka u qaabilsan xukuumadda, ayaa soo saaray awaamiir cusub oo dhinaca nabadgelyada la xidhiidha, kuwaas oo sida hay’adahaasi sheegeen inay wax ka tari doona arrimaha ammaanka ee dalka iyo weliba falal a-fduub iyo sicir la xidhiidha oo muddooyinkii dambe dalka kusoo badanayey.
Awaamiirtan oo salka ku haya bacda madow ee Beersoosha loo yaqaanno ee muraayadaha gaadiidka lagu dhejiyo oo la sheegay in la mamnuucay, ayaa waxa ku dhawaaqay taliyaha guud ee ciidamada Booliska Somaliland Sarreeyo Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan oo uu garab fadhiyey wasiirka arrimaha gudaha Md. Yaasiin Maxamuud Xiir(faro-toon), waxana mamncuucidda bacdan Beersoosha ahi imanaysaa xilli sidan oo kale marar badan ay Boolisku amarro lagu mamnuucayo uga soo saareen, balse ay shaqayn waayeen.
Taliyuhu isaga oo aan soo hadal qaadin sababta ay u socon waayeen amarradii ay hore bacda Beersoosha ah uga soo saareen xukuumad ahaan, ayuu shaaca ka qaaday inay muddo afar maalmood gudahood oo shalay ka bilaabmaysay bacdaas lagaga guro gaadiidka ay ku dhejisan tahay, isaga oo shacabka gaadiidkooda bacdaas ku dhejiyana farriin u diray, “laga bilaabo maanta (shalay) waxyaabaha nabadgeylada halista ku ah waxa kamid ah bacda Beersoosha loo yaqaanno, waxana waajib ah in muddo afar maalmood gudahood ah lagaga jaraa gaadiidka ay muraayadahooda ku dhejisan tahay, shacabkana waxan leeyahay intaanay ciidanka Boolisku soo gaadhin ay gacantooda iskaga jaraan,” ayuu yidhi taliye Cabdilaahi Fadal Iima.
Taliye Cabdilaahi Fadal waxa uu sidoo kale ka hadlay dhallinyarada ka ganacsata ku dhejinta bacahaas ee gaadiidka isticmaala, waxana uu sheegay in sharciga lala tiigsan dooona haddii lagu qabto iyaga oo bacahaas gaadiidka ku nabaya, waxana uu yidhi, “Waxa jirta qolo dhallinyaro ah oo bacahaas Beersoosha ah ka shaqeeya oo ku dhejinaya gaadiidka, kuwaasna waxan leeyahay waa inay amarkaas u hoggaansamaan, haddii la arko iyaga oo gaadiid ku dhejinaya bacahaasna ciidamada Boolisku tallaabo ayey ka qaadayaan.”
Dhinaca kalena Taliyuhu waxa uu ka hadlay arrinta sicirka iyo af-duubka dhallinyarada oo muddooyinkii ugu dambeeyey dalka si weyn looga hadal hayey, waxana uu qiray inay tiro kiisas ah oo arrintaas la xidhiidha ciidamada Boolisku gacanta ku hayaan, kuwaas oo qaarkood gacan-ku-rimis noqdeen, “Booliska waxa gacantooda soo gaadhay ilaa 12-kiis oo arrimaha sixirka iyo af-duubka carruurta ah, ilaa afar kamid ahina waxa ay leeyihiin raad-raac oo tubtii baadhista ayaa lagu joogaa oo afar qof baa u xidhan, siddeeda kalena waxa ay noqdeen kiisas been abuur ahaa oo qaarkood dadkii sameeyey ay xidhan yihiin,” ayuu yidhi taliye Cabdilaahi Fadal.
Amarka ay hay’adaha ammaanku ku mamnuuceen bacda madow ee Beersoosha loo yaqaanno, ayaa waxa imanaysaa xilli ay hal bacaad lagu lisay noqdeen go’aamo hore oo sidan oo kale ay Boolisku u mamnuuceen, waxana haddii haatan go’aankani hirgeli waayo uu mari doonaa waddadii ay mareen go’aamo tiro badnaa oo ay xukuumaddu arrimo bulshada faa’iido u lahaa kasoo saartay, balse aan dhaafin dibnaha ciddii ku dhawaaqday.