Xukuumadda Oo Markii Ugu Horreysay Sheegtay in Miisaaniyadda Sanadkan Aanay Ku Jirin $ 5 Milyan Oo Kirada Dekedda Ah Oo Ay Xukuumaddii Hore Qaadatay

0
14

“Saldhigga Isaga Kama Qaadano Wax Kiro Ah, Heshiiska Aynu La Galnay Imaaraadka, Waxa Weeyi Inay Noo Dhisaan Waddo Isku Xidha Berbera Iyo Wajaale Iyo Inay Noo Dhisaan Madaar” Dr. Sacad Cali Shire

Hargeysa (Hubaal) Xukuumadda Somaliland ayaa markii ugu horreysay sheegtay in aan Imaaraadka laga kiraynin saldhigga milateri ee ay dawladaasi ka samaysanayso magaaladda Berbera.

Wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire oo ka qaybgalay dood habeen hore lagu qabtay magaaladda Hargeysa, taasi oo su’aalo la xidhiidha miisaaniyadda wasiirka lagu weydiinayay, ayaa caddeeyay in saldhigga milateri ee dawladda Imaaraadka carabta laga siiyay magaaladda Berbera aanu kiro ahayn, balse ay weydaarsadeen dhismaha jidka isku xidhaya Berbera iyo Wajaale iyo sidoo kale dhismaha hal madaar oo cusub. “Saldhigga isaga kama qaadano wax kiro ah, kumana jiro kirooyinka. Heshiiska saldhigga milateri aynu la galnay Imaaraadka, waxa weeyi inay noo dhisaan waddada isku xidha Berbera iyo Wajaale iyo inay noo dhisaan madaar.” Ayuu yidhi wasiir Sacad

Sidoo kale wasiirku waxa uu tilmaamay in dekedda Berbera lagu kireeyay lacag dhan $ 5 Malyan, balse ay xukuumaddii hore ee Siilaanyo sii qaadatay lacagtaasi, sidaas darteedna aanay ku jirin miisaaniyada sanadkan.

“Sanad walba dekedda waxaynu ka qaadanaa kiro $ 5 Milyan ah, sanadkan kuma jirto oo hore ayaynu u qaadanay.” Ayuu yidhi

Geesta kale, wasiirku waxa uu ka gaabsaday inuu sheego deynta lagu leeyahay xukuumadda, oo la weydiiyay. “Runtii caawa kuuma sheegi karo deyn intaas baa lagu leeyahay dawladda, laakiin dhawr bilood ka dib haddaad ku soo celiso su’aashaas, markaas baan sheegi doonaa.”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here