Xukuumadda Oo Qaraar Adag Kasoo Saartay Iidhooyinka Bulshada Dhego-barjeeyey Ee Ay Shirkadaha Isgaadhsiintu Kula Wareegeen Shaqadii Warbaahinta

0
43

too-much-messages

Wasaaradaha Caafimaadka Iyo Warfaafinta Oo Iska Kaashaday Joojinta Farriimaha Ganacsiga Xambaarsan Ee Ay Shirkadaha Isgaadhsiintu Ku Faafiyaan Telefoonnada Gacanta

“Shirkadaha Isgaadhsiintu Iyagoo Lacagtii Ummada Jeebabkooda Kala Soo Baxay Oo Aan Waxba Ku Reebin, Haddii Intii Yarayd Ee Warbaahinta Ay Ku Darsadaan, Dee Raalli Ahaada Ayaanu Leennahay…”

++++++++++

 “TELESOM Ha Ahaato ama SOMTEL Ha Ahaato’e Markeeda Hore Ayay Sharci Darro Tahay Inay Shirkaduhu Xayaysiisyo Baahiyaan [Waayo] Waxaa Ay Shatiyada Ku Haystaan Waa Isgaadhsiin,”

 

 vlcsnap-2016-12-11-02h02m27s081Hargeysa:(Hubaal)-Xukuumadda Somaliland, ayaa go’aano adag kasoo saartay xayeysiisyada faraha ka baxay ee ay sameeyaan goobaha caafimaadka ee gaarka loo leeyahay, waxana shirkadaha is-gaadhsiinta ee dalka k aka jira looga digay inay faraha kala baxaan arrimaha baahinta xayeysiisyada ee ay muddooyinkii dambe maroorsadeen.

Madasha go’aamadan lagaga dhawaaqayey oo ay ku sugnaayeen wasiirrada wasaaradaha warfaafinta iyo weliba Caafimaadku, ayaa farriin adag loogu diray shirkadaha is-gaadhsiinta, waxana loogaga digay shaqada warbaahinta ee ay sida sharciga ka baxsan gacanta ugula jiraan.

Ugu horrayn wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Md. Cismaan Cabdilaahi Saxardiid(caddaani) oo goobtaas ka hadlay, ayaa luuqad adag kula hadlay shirkadaha is-gaadhsiinta ee sida joogtada ah bulshada ugu gudbiya xayeysiisyada la buun-buuniyey ee aanay baahintiisa awoodda sharci u haysan, waxana uu uga digay inay sii wadaan shaqadaas ay warbaahintii lahayd ka faro maroojiyeen, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“shirkadaha isgaadhsiintu warbaahin ma ahee isgaadhsiin baa loogu talo galay oo waxa ay shatiyada ku haystaan waa isgaadhsiin, markeeda hore ayeyna sharci-darro tahay inay shirkadaha isgaadhsiintu ama Telesom ha ahaato ama Somtel ha ahaatee ay baahiyaan xayeysiisyo warbaahineen.”

Wasiir Caddaani isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu si cad u sheegay inay shirkadahaas is-gaadhsiinta ee baahinta xayeysiisyada faraha kula jiraa shatiyadooda sharci lumin doonaan haddii aanay ka waantoobin fidinta iyo doco-docaynta shaqada warbaahineed ee ay cunaha kaga duuban yihiin,“Hore waanu ugala hadalnay imikana waanu ku adkaynaynaa, shaqadooda ma aha, hawshoodana ma ahee sharcigii ay ruqsadaha ku qaateen bay jabinayaan, haddii ay wax baahiyaan, shirkado iyo jaraa’id buu u furan xayeysiisku, markaa iyaga oo lacagtii umadda jeebabkooda kala soo baxay oo aan waxbaba reebin, haddii ay intii yarayd ee warbaahintana kusoo darsadaan raalli ahaada ayaanu leenahay” ayuu yidhi wasiir Caddaani.

Dhinaca kalena wasiirka wasaaradda Caafimaadka Md. Saleebaan Ciise Axmed(xaglo-toosiye) oo isaguna madasha lagu shaacinayey in la mamnuucay baahinta xayeysiisyada goobaha caafimaadka ee gaarka loo leeyahay iyo weliba digniinta loo dirayo shirkadaha is-gaadhsiinta ee dalka ka jira ka hadlay, ayaa sheegay inaan la baahin Karin xayeysiis aan wasaaraddiisa ogolaanshiiyo ka wadanin.

Xaglo-toosiye isaga oo sharraxaya xayeysiisyada la ogol yahay inay warbaahinta ka baxaan, ayaa waxa uu yidhi,“Waxan rabnaa inay warbaahinteena ka baxaan xayeysiisyada danta u ah dadkeena, waana in wasaaradda caafimaadka uu soo maraa cidkasta oo doonaysa inay xayeysiis caafimaad sii dayso, si loo hubiyo waxa uu umadda u xayeysiinayaa inay ka turjumayso xaqiiqda goobtiisa caafimaad iyo aqoontiisaba.”

Hadh iyo habeen waxa warbaahinta dalka ka baxay xayeysiisyo khatar ku ah caafimaadka bulshada reer Somaliland, kuwaas oo hannaan xadka ka baxsan loo baahiyo, isla-markaana ku salaysan ganacsi, lagana leexiyey tayadii iyo aqoontii caafimaad ee loo baahnaa loogu baahiyo bulshada wax ma garatada ah ee dalka ku dhaqan.

Digniinta ay xukuumaddu u dirtay shirkadaha is-gaadhsiinta ee dalka ka jira, isla-markaana ku mashquulsan sidii ay ula wareegi lahaayeen shaqadii warbaahineed ee warbaahinta jirta, ayaa ah tii ugu adkayd ee loo jeediyo, waxana ay hore u baalmareen oo iskaga indho tireen heshiisyo ay si toos ah warbaahinta ula galeen oo ay ku aqbaleen inay baahinta xayeysiisyada iyo warka kaleba joojin doonaan, balse ay markii dambe iskaga baxeen.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here