Xukuumadda Oo Qoddobo U Cuskatay Qorshe Ay Dalka Kaga Caydhinayso Hay’addo Aan La Carrabaabin Oo Caalami Ah

0
118

“Waddanka 107 Hay’adood Oo Aan Ku Jirin Kuwa UN-ta iyo European Union-ka Ayaa   Jooga, Waxaanad Moodaa In Ay Beryahan Arrimihii Siyaasadda Somaliland Soo Dhex-galeen, Taasina…”cabdifataax siciid axmed

Hargeysa(Hubaal)-Xukuumadda Somaliland, ayaa markii ugu horraysay ku dhawaaqday in tiro kamid ah Hay’adaha Caalamiga ah ee dalka jooga la mustaafurin doono, iyadoo lagu eedaynayo inay faro geliyeen arrimaha Siyaasadda ee Waddanka. La-taliyaha Madaxweynaha Somaliland u qaabbilsan dhinaca Hay’adaha caalamiga ah Cabdifataax Siciid Axmed, ayaa sheegay in Hay’ado Boqol ka badan oo Somaliland ka Hawlgala saddex kamid ahi isu beddeleen Hay’ado siyaasadeed,kuwaas oo baalmaray codsiyadii ay markii hore dalka kusoo galeen. La-taliye Cabdifataa Siciid Axmed oo isagoo ku sugan waddanka Kuwiet oo uu booqasho shaqo ku joogo u warramay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA, ayaa sheegay inay Xukuumaddu go’aansatay inay Hay’adahaas shaqada ka joojiso, isla markaana qoraallo cadcad ka gudbinayso, maaddaama oo sida uu ku dooday inay dhex-galeen ama ku dhex-milmeen Siyaasadda gudaha ee Somaliland, gaar ahaan Mucaaradka sida uu hadalka u dhigay. “waddanka Waxa Jooga 107-Hay’adood oo aanay ku jirin kuwa UN-ta iyo European Union-ku, markaa waxad mooddaa in beryahan dambe Hay’adihii ay arrimihii Somaliland ee siyaasadda soo dhexgaleen, taasina aanay ahayn wax wanaagsan, Saddex Hay’adood baana hadda aanu Diiradda ku Haynaa, xukuumadduna Go’aan baanu isla qaadanay in Hay’adaha arrin degdeg ah laga qaato, maadaama ay Fawdo iyo qas aan loogu gelin ay galeen markii horena ay dalka ku yimaaddeen inay mucaawimo dadkeena siinayaan, laakiin ay isku beddeleen Hay’ado siyaasadeed.” Ayuu yidhi Cabdifataax Siciid. La-taliye Cabdifataax oo Hadalkiisa sii wata, ayaa ku adkaystay inaanay Hay’aduhu awood ulahayn inay arrimaha Waddanka ee Hoose faraha la galaan, waxana uu hoosta ka xarriiqay in saddex ka mid ah Hay’adahaasi lagu arkay iyagoo fadhiya Kulamo asxaabta qaranku lahaayeen, waxana uu yidhi, “Hay’aduhu way madax bannaan yihiin laakiin uma madax bannaana inay siyaasadda Somaliland dhex galaan ama ku dhex milmaan, waxana aanu caddaymo u haynaa xukuumad ahaan in Hay’adihii caalamiga ahaa oo qaarkood ay dhex fadhiyaan Xisbiyada Mucaaridka iyo xisbiyada kaleba shirarkoodii, runtiina looguma talo gelin, awoodna uma laha inay dhexgalaan, markaa qaar badani waxad mooddaa inay ka tallaabsadeen ujeedadda ay waddanka u yimaaddeena waxa ay ahayd in caalamka ay lacagta ay kasoo qaadayaan ee magaca Somaliland kusoo qaadayaan dadka ku caawiyaan.” Cabdifataax oo ka jawaabayey Su’aal la xidhiidhay in Wasaaradihii Hay’adaha arrimahooda ku shaqada lahaa, sida Qorshaynta iyo Arrimaha Gudaha oo kale ay arrinta taladeeda la socodsiiyeen, ayaa sidan ku jawaabay, “anigu Cabdi ahaan waxan katirsanahay madaxtooyada, Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Gudaha iyo Qorshayntuna waa isku shaqo uun, marbana ciddii joogta ayaana hoos u eegaysa Dhaliilaha lasoo gudbiyo, wasiirka iyo xukuumadduna waa wada socdaan oo waxani ma aha wax wasiir gaar u ah.”La-taliyaha Madaxweynaha ee Dhinaca Hay’aduhu waxa uu diiday inuu magacaabo Hay’adahaas, waxana uu tilmaamay inay sugayaan Jawaabo ay u direen Waddamadii ay kasoo jeedeen, waxana uu yidhi, “runtii way soo bixi doonaan maadaama oo aanu qoraalo u qornay Hay’adahaasi halka ay kasoo jeedaan Jawaabo ayaanu ka sugaynaa qoladii soo dirsatay.” Inta badan waxa la dhaliilaa nidaamka shaqo ee Hay’adaha waddanka jooga, iyadoo aanay jirin dabagal lagu sameeyo nidaamka shaqo ee Hay’adaha waddanka jooga u gutaan Hawlaha ay marka hore waddanka kusoo galeen, waxana tallaabadani noqon kartaa mid ay Hay’ado badan oo fartu ku Godan tahay ku baraarugaan.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here