“Qolooyinka Siyaasadda Ku Jaho-wareeray Waxaan Leeyahay Jaarsada Illaahay Baa Abuurtay Ee Bahasha [Siyaasadda] Meelo Kale Ka Raadiya”
Hargeysa (Hubaal)- Xukuumadda Somaliland ayaa markii u horeysay ka hadashay hadallo derdaar werin ah oo qaar kamid ah siyaasiyiinta iyo madaxda dhaqanka iyo diintu in dhawaaleba kaga digayeen caaqil cusub oo ay qowmiyada Jaarsada ee reer Itoobiya ku caleemo saarteen magaalada Hargeysa, kaasi oo ay wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland-na aqoonsiga caaqilnimo siisay, caleemo saarkiisana ka qayb gashay.
Caaqil Abiib Xasan Libaax ayaa madal ay ka qayb galeen badiba madax dhaqameedka reer Hargeysa ay goob joog ka ahaayeen lagu caano qubay, iyada oo caleemo saarkiisa ay qaybo kala duwan oo bulshada uu metelayaa ka qayb galeen. Caleemo saarkii caaqil Abiib ka dib waxaa siyaabo kala duwan uga hadlay culimaau’diinka Somaliland, salaadiin, madax dhaqameed iyo siyaasiyiin kale kuwaas oo ka digay saamaynta taban ee caleemo saarkiisu ku yeelan karto sooyaalka asal-raacnimo ee dadka deegaan ahaan aan kasoo jeedin Somaliland ay mustaqbalka ku yeelan karaan dalka. Waxaanay sheegeen in caleemosaarka caaqilkan iyo dhiggiisuba ay sababta dembeysaa tahay deegaamayn lagu beerayo dadka aan u dhalan dalkan, waxaanay xukuumadda gaar ahaanna wasaaradda daakhiliga ugu baaqeen in aqoonsiga lagala noqdo caaqilkan isla markaana halkii uu ka yimid dib loogu celiyo. Hase yeeshee Baadhasaabka gobolka Maroodi-jeex Md. Maxamed Maxamuud (Jeeni-yare) oo shalay ka jawaabay digniinahaas hanjabaadaysan ayaa difaacay sababaha ay xukuumad ahaan iyo maamul ahaanba u ogolaadeen caleemo saarkiisa. Maxamed Jeeni yare waxaa uu dhawaaqyadaas lagu naqdiyey caleemosaarka caaqilkan ku tilmaamay kuwo siyaasadaysan oo lagu khaldayo dadka makasta ah ee aan siyaasadda la socon. “Waxaan doonayaa inaan halkan kaga hadalno caaqil Jaarso ah oo beri dhawayto lagu sameeyey halkan [Hargeysa], kaasi oo siyaabo badan looga hadlay, runtiina khalad badan baa laga fahmay caleemo saarkiisa, laakiin hadda ayaanu qolyaha siyaasadaynayay ee ka dhigayay waxa kale iyo cid walba u sheegaynaaye”. Sidaasi ayuu yidhi guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex Maxamed Maxamuud Jeeniyare oo shalay waraysi gaar ah siiyey Weriye Khadar Macalin Deeq oo ka tirsan telefishanka Bulsho. Waxaana uu intaa ku daray guddoomiyuhu “Jaarsadu waa qolyo reer Itoobiya ah laakiin halkeenan (Hargeysa) jooga. Qofka jaarsada ah ee halkan jooga marka ay dhibaato gaadho oo tusaale ahaan gaadhi halkaa marayaa uu qof jaarso ah jiidho caaqil baa reerkiisii ay magtiisu ku waajibaysaa, kolkaa caaqilkaasi sow maaha in qof uu la xaalo uu helo oo uu kala xaajo qaato markaa qofka jaarsada ah annagu waxaanu u ogolaanay in ay mas’uul yeeshaan. Caaqilkuna iyaga [jaarso] ayuu caaqil u yahay ee Somaliland uma aha, maadaama oo ay dadka ugu badan ee Somaliland innagula nool ee shaqooyinka hoose ka haya ay yihiin, waa sababtaas asbaabta aanu u ogolaanay samaynta caaqilkoodu. Dadka qaarkood fikirroo qaldan baa loo sheegay ee waxaanu leenahay ma jiraan waxyaabahaasi, qolyana duruufo siyaasadeed oo ay ka jahawareereen baa haya oo khaladaad bay doonayaan in ay dadka wax ugu sheegaan, iyagana waxaanu leenahay waar Jaarsadaba Illaahay baa abuurtay ee bahasha [siyaasadda] halkaas ha ka deyina ee meelo ka waaweyn ka raadiya”. Ayuu yidhi baadhasaabku. Sidoo kale badhasaabku waxa uu amaan u jeediyay cuqaasha gobolka Maroodijeex isaga oo ku amaanay sida wanaagsan ee ay hawlahooda u gudanayaan waxaanu yidhi “Cuqaasha aad iyo aad ayaan ugu hambalyaynaynaa sida wanaagsan ee ay ugu shaqaynayaan shicibkooda, ugu shaqaynayaan dawladooda, maantana shirkayagan nuxurkiisu waxaa uu ahaa sidii loo dardar galin lahaa nabadgaliyada.” Guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex waxa uu ILLAAHAY ka baryay roobab iyo raxmaad, waxaanu yidhi “Roob la,aanta wadank ka jirtana Illaahay ha innaga soo furto oo Ilaahay madar khayr qaba hayna siiyo ,oo barwaaqo ah.”