Xukuumadda Oo Sababaysay Diidmo Ciidanku Kaga Fal-celiyey Tamashle Raxan Xisbiga WADDANI Katirsani Ula Socdeen Eedaysanaal Dhaawacyo Loo Haysto

0
29

Wasiirul-dawlaha-AmnigaHargeysa:(Hubaal)-Xukuumadda Somaliland, ayaa markii ugu horraysay faahfaahin ka bixisay eedo ka yimi hoggaanka xisbiga WADDANI oo ay ku sheegeen in loo diiday booqasho ay xabsiga ugu tegi lahaayeen xubno xisbigooda katirsan oo loo haysto dhaawacyo ay gaadhsiiyeen aqoonyahan Jaamac Cilmi-jiir.

Wasiiru-dawlaha amniga ee wasaaradda arrimaha gudaha Md. Maxamed Muuse Diiriye oo qaar kamid ah warbaahinta kula halday magaalada Hargeysa, ayaa ugu horrayn meesha ka saaray in shakhsiyaadkaas loo haysto arrimo dhinaca siyaasadda ah, waxana uu ku adkaystay inay u xidhan yihiin  dhaawacyo ay cid u geysteen oo lagu eedeeyey, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“waxa loo xidhay nin Gacan laga jebiyey, iligna laga riday, ayaa  sheegay in hebel iyo hebel soo weerareen, ciddina kusoo dirtay, markaanu baadhistayada dhammaysanno, ayaanu sheegi doonaa waxa uu qabo iyo cidda u geysatay, laakiin eedayn la eedeeyey oo cidi wax ka sheegatay bay nimankaasi u xidhan yihiin arrin siyaasadeedna uma xidhna arrin kalena uma xidhnee arrin xaq loogu leeyahay oo muwaadiniini ku ashkataysay ayey u xidhan yihiin.”

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu wasiir Maxamed Muuse Diiriye sababeeyey diidmo ay ciidamada ammaanku kala hortageen saraakiil xisbiga WADDANI katirsan oo saldhigga dhexe ee Hargeysa ku booqanayey xubnaha kiiska dhaawaca ah loo haysto,“guddoomiyuhu waxa uu u tafo-xaydan yahay inuu dalkan xukumo, saldhigyada askartii joogtayna wuu la murmayaa oo way is qabqabsanayaan, haddii uu wax tabanayo oo cid xisbigiisa katirsani xidhan tahay inuu wasaaradda arrimaha gudaha tago ama taliska Booliska tago weeye, umana ay diidine waxay ku yidhaahdeen nimankaas waa lasoo xidhay, qaab duullaanna way ahayd oo cirro oo keli ah may ahayne dhawr iyo toban nin oo kamid ahaa raggii dalkana wax ka soo xukumay, ayaa meesha marayey, culayska intaas le’egna saldhigyadu ma oggolaanayaan, saldhigay wax weydiinayeen oo maxaa loo xidhay ayey lahaayeen waxa loo xidhayna annagaa u sheegi lahayne inay noo yimaadaan bay ahayd”ayuu yidhi Maxamed Muuse Diiriye.

Waxa uu tilmaamay in culayskii xubnaha xisbiga WADDANI katirsan iyo tiradii xad-dhaafka ahayd ee ay saldhigga ku tageen keentay inay ciidanku horjoogsadaan, isla-markaana aanu jeelku tiro intaas le’eg qaadi Karin, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Askartu culayskii meesha marayey bay la yaabeen, nimankii saldhig tegayeyna ma aha oo waa madax xisbi, waa madax qaran oo dalka xukunkiisa wax ka haya, saaxiibadayna waxan leeyahay dalka barnaamij iyo waxqabad iyo siyaasadeenu waxa ay noqonayso sheega hebel baa sidan yidhi iyo heblaayaa sidan tidhi looma baahnee.”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here