Xukuumadda Oo Shaacisay In Madaxweyne Siilaanyo Aqbalay Dalab Imaraadku Saldhig Militeri Kaga Dhisanayo Berbera

0
50

farxaan aada

“codsiga madaxweynaha ay imaaraadku weydiisteen waxa ay ka mid tahay diblomaasiyadda, madaxweynuhuna wuu ka aqbalay, laakiin soo noqoshadeeda in……..”Wasiir Farxaan Aadan Haybe

Hargeysa:(Hubaal)-Xukuumadda Somaliland, ayaa markii ugu horraysay shaacisay damac Imaaraadka carabtu ku doonayaan inay saldhig militeri ka dhigtaan duleedka madaarka caalamiga ah ee Berbera, kaas oo muddooyinkii ugu dambeeyey wararkiisu soo baxayeen.

Wasiirka wasaaradda Duulista hawada iyo gaadiidka cirka Somaliland Md.Farxaan Aadan Haybe oo arrintan ka hadlay, ayaa xaqiijiyey jiritaanka warar sheegaya in madaxweyne Siilaanyo uu wadad-hadallo ku saabsan saldhigga laga samaynayo Berbera la yeeshay dawladda imaaraadka Carabta, waxana uu hoosta ka xarriiqay in labada dhina arrintaas isla soo qaadeen.

Wasiir Farxaan waxa uu sheegay xusay inaan arrinta weli heshiis rasmi ah laga gaadhin, balse ay tahay codsi aan la diidin oo ka yimi Imaaradda Abu dubai, “waxa jira oo xaqiiqo ah in imaaradda Abu dubai ay madaxweynaha waydiisteen inay saldhig ka samaysato Berbera, wax weli heshiis laga galayna ma aha.” Ayuu yidhi wasiir Farxaan Aadan Haybe.

Wasiirku waxa uu saldhigyada militeriga shisheeya ka dhex samaystaan dalalka kale ku tilmaamay xirfad la is dheeryahay, isaga oo tusaale usoo qaatay saldhigyada ajaanibku ku leeyihiin dalka Djibouti iyo midkii Ruushku ku lahaan jirey Berbera, waxana uu yidhi,“dawladuhu waxa dalkeeda gudaha ah bay iibin kartaa, laakiin dawlad dhulkeeda dawlad kale ka iibisaa ma jirto oo Djibouti baa ugu dhaw oo waxa saldhigyo ku leh Chine, USA, France iyo Germany, waana xirfad la is dheeryahay, inagana hore saldhig bay u ahaan jirtey oo  maraykan iyo Ruush ba saldhigyo ayey ku lahaan jireen Berbera”

Wasiir Farxaan waxa uu shaaca ka qaaday inuu madaxweynuhu aqbalay rabitaanka Imaaraadku ku doonayo inuu xeryo ciidan ka samaysto Berbera, waxase uu hoosta ka xarriiqay inay arrintaasi soo mari doono hay’adaha sharci-dejinta dalka,“codsiga madaxweynaha ay imaaraadku weydiisteen waxa ay ka mid tahay diblomaasiyadda, madaxweynuhuna wuu ka aqbalay, laakiin soo noqoshadeeda in shuruucda dalka iyo qaanuunka la waafajiyo oo la eego maxaa inooga yaalla in saldhig ay dawlad kale ka samaysato dalkeena waa arrin aan weli odoroskeeda la gaadhin, markay munaasib noqotona waxa ay imanaysaa hay’adaha sharci-dejinta, go’aankeeda ugu dambeeyana madaxweynaha ayaa isla leh.” Ayuu yidhi wasiir Farxaan Aadan Haybe.

Dhawaan ayey ahayd markii uu wargeyska Hubaal baahiyey warka sheegaya in Imaaraadku ku hawllan yahay sidii ay saldhig militeri oo ay danahooda ku ulaashadaan uga samaysan lahaayeen magaalada Berbera, gaar ahaan goob ku taalla duleedka garoonka diyaaradaha, waxana warkaas wargeysku qoray si rasmi ah u xaqiijisay xukuumadda madaxweyne Siilaanyo.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here