“Halkan waxan ku hayaa warqad ay ku caddaynayaan hay’adaha caafimaadka xoolaha ku shaqada lihi in neefkeena xoolaha ahi uu caafimaad qabo, hay’adahaasina waa afar hay’adood oo waaweyn iyo midowga Yurub, markii aanu wada shirnayna waxanu isla garanay inay nagala hawlgalaan in sucuudiga lagu qanciyo in neefkeenu caafimaad qabo”
“Shir ayey 13-ka bisha Fabuary hay’adahaasi ku qabanayaan Uganda, annaguna shirkaas ayaanu ka qaybgeli doonaa.. “wasiir Cukuse
Hargeysa:(Hubaal)-Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay halka ay marayaan dedaalladii la doonayey in xayiraadda lagaga qaado xoolaha dalka oo ay dhawaan dawladda Sucuudigu shaacisay inay xayiraad ku meel gaadh ah saartay.
Wasiirka wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir(cukuse) oo shalay u warramay Telefishanka RTN, ayaa sheegay inay xukuumad ahaan isa saareen masuuliyadda sidii xoolaha Soomaalida oo dhan looga qaadi lahaa xayiraadda la saaray, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,Wasiir Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse, “xooluhu waa xoolo Soomaaliyeed, inaguna neefkaas Soomaaliga ah baynu masuul ka nahay marka ganacsiga laga hadlayo iyo neefka Soomaaliga ah xuduudo ma jiraan, annaguna waxanu qaadnay masuuliyadda neefka Soomaaliga ahi inuu caafimaad qabo, waxana nalaga yaqaanaa inaanu caddayno inuu caafimaad qabo, maadaama dekedda kaliya ee uu ka dhoofaa ay taayada tahay, halka uu u dhoofayaana ay Sucuudiga tahay.”
Wasiir Cukuse oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay inay xukuumad ahaan ka go’an tahay sidii neefka xoolaha ee Soomaalida loo xaqiijin lahaa inuu caafimaad qabo oo aanu cudur haynin,“annagu waxanu ka hadlaynaa inaanu Sucuudiga ku qancino inuu neefka Soomaaliga ahi caafimaad qabo ama Ethiopia ha joogo, ama Djibouti ha joogo, ama Somaliland ha joogee, taasna dariiqeedii baanu haynaa” ayuu yidhi wasiir Cukuse.
Waxa uu wasiir Cukuse sheegay inay ururro iyo hay’ado caalami ah u bandhigeen caafimaad-qabka xoolaha Somaliland, waxana uu yidhi,“Waxa jira ururro caalami ah oo ka shaqeeya caafimaadka xoolaha caalamka oo dhan iyo kuwo gobolkeena u gaar ah, annaguna kuwaas ayaanu bil walba u dirnaa caafimaadka xoolaha Somaliland ee Berbera ka dhoofaya, waxana ay la socdeen caafimaadka xoolaheena sanado badan.”
Wasiir Cabdilaahi Cukuse waxa uu caddeeyey inay hay’adahaas caalamiga ah ee caafimaadka xoolaha ku shaqada leh kala hadleen sidii Sucuudiga loogu qancin lahaa inay Xoolaha Soomaalidu caafimaad qabaan,“Halkan waxan ku hayaa warqad ay ku caddaynayaan in neefkeena xoolaha ahi uu caafimaad qabo, hay’adahaasina waa afar hay’adood oo waaweyn iyo midowga Yurub, markii aanu wada shirnayna waxanu isla garanay inay nagala hawlgalaan in sucuudiga lagu qanciyo in neefkeenu caafimaad qabo” ayuu yidhi wasiir Cukuse.
Cabdilaahi Cukuse waxa uu shaaca ka qaaday horraanta bisha soo socota ay shir ballaadhan iskugu iman doonaan dhammaanba dalalka xoolaha dhoofsada iyo kuwa dhoofiyaaba, kaas oo ka dhici doona dalka Uganda, waxana uu yidhi,“Shir ayey 13-ka bisha Fabuary hay’adahaasi ku qabanayaan Uganda, annaguna shirkaas ayaanu ka qaybgeli doonaa, mar labaad shir kale ayaa dalka Imaaraadka lagu qaban doonaa, kaas oo ay kasoo qaybgeli doonaan Sucuudiga, Baxrayn, Imaaraadka, Cumaar, Yemen iyo dalalka aynu dhoofino oo dhan, halkaasna waxa iskugu iman doona kuwa iibsada kuwa iibsada, waxana aanu halkaas ka caddayn doonaa inay xoolaheenu caafimaad qabaan.”