Xukuumadda Oo Shaacisay Inuu Dalku Gaadhay Heerkii Lagu Dhawaaqi Lahaa Xaalad Macaluuleed Oo Baahsan

0
31

Saylici Oo Hoos u Dhigay Dhimashada Dadka ee Abaartu Sababtay, warwarna ka Muujiyey Xaaladda waqtigan lagu jiro

madaxweyne ku xigeenka Seylici

Hargeysa:(Hubaal)-Xukuumadda Somaliland, ayaa markii ugu horraysay shaaca ka qaadday inuu dalku qarka u saaran yahay xaalad macaluuleed oo ka dhalatay abaaraha baahsan ee waddanka ka jira.

Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(saylici) oo  isagu ah guddoomiyaha guddida abaaraha heer qaran oo shalay waraysi siiyey idaacadda VOA-da, ayaa shaaciyey in kasta oo aanay weli si rasmi ah u shaacinin, haddana xaalka lagu jiro heer macaluuleed lagu tilmaami karo, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Somaliland way ku dhaw dahay heer lagu dhawaaqo macaluul, sababta oo ah imika gu’gii baanu ku jirnaa, haddana dadka culayskii wuu sii haystaa oo cunto la’aantii way jirtaa xoolihiina way sii dhimanayaan, taasina wax la qarinayo ma aha oo waanu sheegnay in xaaladaas la gaadhay.”

Sidoo kale waxa uu madaxweyne-ku-xigeenku sheegay in badiba xoolihii goobaha miyiga ah ku dhaqnaa dhammaadeen, balse waxa uu meesha ka saaray inay dhimashada dadka ee abaartu sababtay aad u hoosayso, “Xoolihii Somaliland, gaar ahaan gobollada Bariga waxa dhintay boqolkiiba lixdan60%, laakiin khasaaraha dadku aad buu u yar yahay, sababtoo ah gurmadka xagga cuntada ah dadka waanu gaadhsiinay,” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici.

Hadalka madaxweyne-ku-xigeenka, ayaa kusoo beegmaya xilli xaaladda abaareed ee dalku meel halis ah marayso, isla markaana gobollada barigu marayaan halkii ugu xumayd ee ay in muddo ah gaadhaan, iyada oo ay soo baxayaan dhaliilo badan oo doorka xukuumadda ee abaarta loo jeedinayaa.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here