Xukuumadda Oo Sheegtay In Isu-tagga Imaaraadku Uu Somaliland Ka Hirgelinayo Wershad U Gaar Ah Gawraca Xoolaha

0
38

Hargeysa (Hubaal) – Safiirka Somaliland u fadhiya Dalka Imaaraadka Carabta Ambassador Baashe Cawil oo dalka maalintii shalay kusoo laabtay, ayaa ka Hadlay mashaariic horumarineed oo uu sheegay in Dawladda Imaaraadka Carabtu Somaliland ugu deeqi doonto.Baashe Cawil

Ambassador Baashe waxa uu ugu horrayn sheegay inay jiraan mashaariic cusub oo Dawladda Imaaraadku ugu deeqday Somaliland, kaas oo ah warshad Hilibka qasha oo laga hirgelin doono Magaalada Berbera.

Baashe Cawil, waxa uu faahfaahiyey Warshadaas, cidda yeelan doonta iyo Meesha la geyn doono hilibka ay qali doonto,“Mashruucani waa mid dawladda Imaaraadka Carabtu ugu talo gashay inay shaqo-abuur Somaliland ka samayso, kaas oo ah in Magaalada Berbera laga sameeyo Wershed weyn oo Hilibka lagu qalo, hilibkaas oo loo iibgeyn doono Dawladda Imaaraadka.”ayuu yidhi Baashe Cawil.

Ambassador Baashe oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay in Warshaddaasi lagu wareejin Doono Dawladda Somaliland, isla-markaana ay dad badani shaqo ka heli doonaan, waxana uu yidhi,“Warshaddaasi waxa ay noqon doontaa mid  Dawladda Somaliland Yeelato oo ay Imaaraadku ugu deeqday, waana mid kamid ah Mashaaciirda Dawladda Imaaraadku ugu talo gashay inay Somaliland ku caawiso.”

Waxa kale oo uu ka Hadlay Dhawaaqyo ka dhan ah Mashaariicda Dawladda Imaaraadku Dalka ka waddo oo dadka qaarkii diidmo ka muujiyaan, waxana uu soo jeediyey in si wada jir ah looga shaqeeyo soo dhaweynta mashaariicda dalka danta u leh,“Waxan inta badan arkaa dad hadlaya oo si khaldan wax u sheegaya oo mashaariicdaas horumarineed dadka wax kale ugu sheegaya, In mashaariic horumarineed oo dalka loo qabanayo oo dawladi inagu caawinayso la aflegaadeeyaa waa khalad.”ayuu yidhi Baashe Cawil.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here