Xukuumadda Oo Sheegtay Inay Ku dabo jirto Magdhowga 21-dhallinyaro ah Oo 25-habeen Meydkoodu Ku Jiro Tallaagado Yemen Yaalla

0
48

Wasaaradda Arrimaha dibadda Oo Farriin Meydadka Ku Saabsan u Dirtay Waalidiinta Ubadkoodu Xasuuqaas ku Le’deen

wasiir kuxigeenka arrimaha dibada axmed kayse

Hargeysa:(Hubaal)-Xukuumadda Somaliland, ayaa daboolka ka qaadday inay ku hawllan tahay sidii loo caddayn lahaa cidda iska leh masuuliyadda xasuuqii dhawaan badda dalka Yemen loogu geystay dhallinyaro doonni ku tahriibaysay oo badankoodu Somaliland kasoo jeedeen, isla markaana magtii dadkaas loo heli lahaa.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda Md. Axmed Aadan Ismaacil(keyse) oo shalay warbaahinta la hadlay, ayaa ugu horrayn faahfaahiyey tirada rasmiga ah e xubnaha reer Somaliland ee halkaas ku geeriyooday, waxana uu xusay 21-kamid ahaa dadka dhintay kasoo jeedaan gobollada Somaliland, halka 10-ka mid ah dadka dhaawaca ahina isla Somaliland kasoo jeedaan.

Wasiir Keyse waxa uu sheegay in la diiday in la aaso meydadka marxuumiintii dhacdada duqaynta ah ku geeriyooday, maadaama oo aan ilaa hadda la haynin cidda rasmiyan xasuuqaas geysatay, “Hal waalid baa nala soo xidhiidhay oo isagu yidhi uma adkaysan karayo inuu ilmahaygu tallaagad ku jiro’e halla ii aaso, markii aanu isku daynay in la aasona xaggii Yemen ayey ka socon weyday oo weli waa la isku riix riixayaa, welina lama garanin ciddii ka damaysay ee xasuuqan foosha xun geysatay, baadhis baana ku socota oo ay u joojiyeen in meydkii la aaso,” ayuu yidhi wasiir Axmed-keyse.

Axmed Aadan Ismaaciil waxa uu sheegay in waqtiga ay xukuumad ahaan xaqiijiyaan cidda masuuliyaddaas iska leh ay dedaal kale u geli doonaan sidii mag-dhaw loo siin lahaa waalidiinta iyo ehellada dadkooda la laayey, waxana uu yidhi, “Marka aanu ogaano ciddii dadkaas leysay, ayaa annaga oo waalidkii la kaashanayna isku dayeynaa inaanu si wada jir ah u doono magtii iyo mag-dhawgii dadkaasi, isla markaan dadkii waxaas geystay sharciga loo hor keeni lahaa.”

Wasiirku waxa uu waalidiinta dadkii dhintay dhashay ka codsaday inay wasaaradda xidhiiidh joogto ah la yeeshaan, islamarkaana ay diyaar u yihiin sidii loo baadi dooni lahaa magdhawga khasaarihii ubadkooda loo geystay

Dhacdadan lagu xasuuqay dhallinyarada badankoodu Somaliland kasoo jeedeen, ayaa deegaanka Xudayda loo yaqaanno  ee xeebta Yemen ka dhacday 16/3/2017-ka, waxana ku naf waayey da’yar intooda badani kasoo jeedaan gobollada Togdheer iyo Sool, balse weli xukuumadda war dhaafsiisan inay baadhitaan ku jirto lagama hayo.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here