Xukuumadda Oo Tallaabo ka Qaaday Musharrax reer Soomaaliya Ah, Amarna Ku Bixisay In La Tarxiillo

0
44

Xukuumaddu Waxa Ay Ciidammo Dheeraad Ah U Dirtay Deeggaamada Uu Musharraxani Olollaha Ka Dhex Wado

 ciidanka qaranka

Hargeysa (Hubaal) – Xukuumadda Somaliland, ayaa amartay in tallaabo laga qaado siyaasi lagu magacaabo Maxamud Cabdirisaaq oo sheegay in uu yahay murrashax u taagan doorashada Somalia ee 2016ka, kaas oo ku sugan deegaamo ka tirsan Somaliland oo uu uga ololaynayo murashaxnimadiisa.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, ayaa sheegtay in ay Ciidamo u dirtay bariga Sanaag, isla markaana amartay in tallaabo laga qaado ninkaasi murashaxa Somalia ah ee deegaamadaasi ku sugan lagana saaro gudaha Somaliland sida ugu dhakhsaha  badan.

Wasiir ku xigeenka Amniga ee Wasaaradda arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye, ayaa warbaahinta qaar u sheegay shalay in ay ciidamo u direen bariga sanaag oo ay ku amreen in dalka laga saaro ninka siyaasiga ah ee Somalia uga ololaynaya bariga sanaag, kaas oo warbaahinta laga arkay isaga oo lagu soo dhaweynayo Badhan iyo Dhahar.

Wasiir Maxamed Muuse Diiriye oo si kooban warbaahintu wax uga wadiiyeen isaga oo ku sugan huteelka Maansoor, ayaa waxa uu sheegay in aanu ka hadlaynin, balse waxa uu kooban oo aanu warbaahin la hadlaynin ugu sheegay weriyeyaashaasi in uu ciidamo u diray bariga sanaag kuna amray in dalka laga saaro ninkaasi oo uu tilmaamay in ay warbaahinta ka arkeen.

Ciidamadan loo diray in ay ninkaasi tallaabo ka qaadaan oo ay dalka ka saaraan, ayaa waxa uu wasiirku sheegay in ay direen, kuwaas oo la filayo in ay deegaamadaasi hawl gal ka fuliyaan oo ay ka sifeeyaan dhaqdhaqaaqyada Somali weyn ah ee laga wado.

Ma aha markii ugu horraysay ee uu deegaamada baruga sanaag yimaado Siyaasi Somalia ka soo jeeda, balse waxa marar badan deegaamadaasi yimaadda siyaasiyiin ka soo jeeda maamulka Puntland iyo xildhibaano ka tirsan Somalia, kuwaas oo dhalasho ahaan ka soo jeeda dadka deegaamadaasi degen.

Dhinaca kale Bariga Sanaag, ayaa waxa dhowaan lagaga dhawaaqay maamul maqaar saar ah oo la sheegay in ay dabada ka riixayaan maamulka Xamar, kaas oo maalmihii u dambeeyey aan la arag meel ay ku sugan yihiin, balse dadka deegaanku sheegeen in ay ahaayeen xubnaha ku dhawaaqay dad is qarinayey oo ka dibna ka baxay magaaladda badhan meel ay joogaanna aan la ogayn.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here