Xukuumadda Oo U Balanqaaday Mucaaridka Inay Goob-joogayaal Ka Noqon Doonaan Diiwaangelinta Madaniga Ah

0
30

Hargeysa (Hubaal)- Xukuumadda talada haysa ee xisbiga KULMIYE, ayaa u ballanqaaday axsaabta mucaaradka ah inay goob-joogayaal ka noqon doonaan diiwaangelinta qaadashada kaadhka muwaadinimo ee dalka oo dhawaan la bilaabayo, taas oo hore mucaaradku uga soo saaray qaylo-dhaan ay kaga shakisan yihiin.

warancade 1
Wasiir Warancadde oo warbaahinta kula hadlay xarun cusub oo loo dhisay Wasaaradda Daakhiliga oo qalabkaas lagu rogay maanta, ayaa sheegay inay qalabka diiwaangelinta maddaniga ah si degdeg ugu kala diri doonaan gobollada dalka, si loo tijaabiyo haw-qabadkiisa, kadibna si rasmi ah loo bilaabi doona hawsha diiwaangelinta muwaaddiniinta oo uu xusay inuu saamayn badan ku yeelan doono badan nolosha dadka aan qaadan kaadhka muwaaddinnimada Somaliland, isla markaana ay ku martiqaadayaan xisbiyada mucaaradka, Komishanka Doorashooyinka iyo ururrada bulshada rayidka ah inay goob-joog ka noqdaan fulinta diiwaangelinta oo agabkeeda toddobaadka soo socda la gayn doono dhammaan gobollada iyo degmooyinka dalka, si ay u ogaadaan qaabka dadweynaha loo tira-koobayo, uguna qancaan ujeeddada laga leeyahay.

“Waxa xaruntan cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha lagu rogayaa [duhurnimadii shalay] qalabkii diiwaangelinta muwaaddinka oo sidii aannu hore u sheegnay dedaal badan iyo hawl loo galay kadib soo dhammaatay, halkan ayaana lagu xidh-xidhayaa waxaana toddobaadka soo socda la gaynayaaa goobihii loogu talogalay diiwaangelinta muwaaddinka ee guud ahaan waddanka oo dhan.”

“Diiwaangelinta madaniga ahna si ay u noqoto mid xalaal ah waxaannu ku casuumi doonaa xisbiyada mucaaradka ah, Guddida Doorashooyinka, ururrada bulshada iyo hay’adaha kala duwan ee Qaranka si goob-joog looga wada ahaado oo cid waliba iyadoo miiska la wada fadhiyo ay ka dharagto sida qofka loo diiwaangelinayo. Qalabka la isticmaalayaana waa mid casri ah, waxaana loogu talogalay inuu kala reebo qofka isku daya inuu mar labaad is diiwaan geliyo, qalabkani waxa uu leeyahay saddex shay oo qofka lagu garanayo oo kala ah indhaha, faraha oo qofka laga qaadayo iyo sawirka, saddexdaas qayboodba wuu qaadayaa mishiinkan la isticmaalayaa,” ayuu yidhi Md. Cali Maxamed Warancadde.

Waxa kale oo uu sheegay in diiwaangelinta madanigu kaalin ka qaadanayso in doorasho xor iyo xalaal ahi dalka ka dhacdo, isla markaana taageero u noqonayso diiwaangelinta codbixiyayaasha, waxaannu yidhi, “Si aynu u helno doorashooyin caddaalad ah oo qofku far keliya dhiibto, kaadh kaliyana helo oo aannu ku noq-noqon ayey dawo ka tahay, waxa kale oo ay dawo ka tahay inaannu qof kasta oo iska yimaada goobaha codbixinta aannu codayn karin, muwaadiniinta Somaliland oo keliya ayaana xaq u leh inay coddeeyaan si xaqaas muwaadinka loo sugo ayaa loo sameeyey kaadhkan, isla markaana si ay meesha uga baxdo ku noq-noqoshadii iyo inuu qofku dhawr kaadh yeesho, qofkuna uu yeesho hal cod taas ayuu damiin ka yahay, waxaannu sahlayaa marka la samaynayo diiwaangelinta codbixiyayaasha oo dhawaan la bilaabi doono oo Guddida Doorashooyinku ay gacanta ku hayaan inuu qofku si sahlan u qaadan doono kaadhka codbixinta oo isagu hal mar shaqayn doona, laakiin kaadhka diiwaangelintu weligii wuu shaqayn doonaa, marka ciidammadu ku joojiyaana waxa ugu horreeya ee qofka la waydiinayaa kaadhka aqoonsiga.”

“Sidaas darteed waxaan dadka ugu baaqayaa marka ay diiwaangelintani bilaabanto inay hore u yimaadaan goobaha diiwaangelinta,” ayuu yidhi Wasiir Warancadde.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here