Madaxweyne Siilaanyo Oo 7-sano Kadib Dib u Raacay Raadka Xukuumaddii Uu Talada Kala Wareegay Iyo Deel-qaaf Sharci Oo Lagu Tallaabsaday
Hargeysa:(Hubaal)-Xukuumadda Somaliland, ayaa tan iyo intii ay xilka haysay ku kacday tallaabadii ugu horraysay oo halis ku ah distoorka iyo sharciga dalka, waxana ay wareegto cad oo liddi ku ah dhaqdhaqaaqyada mucaaridka soo saartay habeen hore.
Wasiiru-dawlaha amniga ee wasaaradda arrimaha gudaha Md. Maxamed Muuse Diiriye oo isagu wareegtadan soo saaray, ayaa sheegay inaan wax shir ah lagu qaban Karin Huteellada iyo goobaha kala ee la isugu yimaaddo, isaga oo qoraalkiisa ku xusay in shirarkaasi amniga dalka halis ku yihiin.
Wareegtadan oo habeen hore loo qaybiyey Huteellada ku yaalla Hargeysa, ayaa diidmada shirarka axsaabta mucaaridka ah ee shirarka ku qabsan jirtey loo cusday inay bulshada kicinayaan, isla-markaana ugu sheegayaan warar aan jirin, laguna naqdiyayo maalgashiga caalamiga ah.
Maalgashiga caalamiga ah ee qoraalka lagu sheegay ayaa loo fahmay in loola jeedo heshiiska xukuumaddu Imaaraadka kula gashay saldhigga Berbera oo ay xisbiga WADDANI si weyn u diidan yihiin, isla-markaana bulshada kula wadaagayeen waxyeellada ay sheegayaan inuu leeyahay.
Qoraalka wasiirka, ayaa waxa laga dhadhansanayaa in xukuumadda lafteedu ku baraarugsan tahay inay wareegtadani dhaawacayso Dimuqraaddiyadda, balse ay tahay mid laga maarmi waayey markii la arkay xaaladdu taagan, iyada oo la miciinsaday in sharciga la baalmaro.
Hakinta xukuumadda ee shirarka ay axsaabta iyo qaybaha kale ee bulshadu ku qabsanayaan Huteellada kala duwan ee dalka gudihiisa ku yaalla, ayaa laf-jab ku ah sharciga dalka iyo xeerarka distoorka ku qoran, waxana uu qoraalkaasi si cad uga hor imanayaa xuquuqda distooriga ah ee muwaadiniinta iyo midda axsaabta mucaaridka ah loo samaystay, waxana uu dalka ka dhigayaa mid ay ka hirgashay nidaam kali-talis ahi.
Intii xukuumaddani hoggaanka haysay waa markii ugu horraysay ee wareegto lagu mamnuuco inay axsaabta mucaaridka ahi Huteellada shirarkooda gaarka ah ku qabsadaan, balse waxa xusid mudan in xilligii xukuumaddii madaxweyne Daahir Rayaale sidan oo kale xisbiga KULMIYE oo markaa mucaarid ahaa Huteellada loogu diiday, iyada oo arrintaas si weyn u dhibsan jirey, balse aakhirkii xukuumadda ka dhalatay isla raadkii ayey dib u raacday.