Xukuumadda Oo Wejigii Koowaad Ee Dhaqaallaha Doorashada Lagu Qabanayo Ku Wareejisay Xubnaha Komishanka

0
56

Wasiirka Maalliyada Oo Guddoomiyaha Komishanka Gacanta Ka Gelisay Jeeg Ay Ku Qoran Yihiin Laba milyan Oo Dollar

vlcsnap-2017-06-11-00h01m47s251

Hargeysa (Hubaal) – Xukuumadda Somaliland ayaa guddida doorashooyinka qaranka  ku wareejisay wejiga koowaad ee lacagta loogu talo galay in ay ku qabsoonto doorashada madaxtooyada ee umuddaysan dabayaaqada sanadkan. Wasiirka wasaaradda maalliyada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan oo ay weheliyaan wasiir ku xigeenka wasaaraddaas ee cusub Axmed Xaashi cabdi iyo xisaabiyaha guud ee dawladda Axmed Daauud Geedi ayaa shalay si rasmi ah guddida doorashooyinka ugu wareejiyey lacag dhan laba milyan oo dollarka maraykanka ah,  taasi oo qayb ka ah afarta milyan ee loo qoondeeyey inay doorashadu ku qabsoonto,waxaana shir warbaahinta loogu qabtay xafiiska xisaabiyaha guud ee dawladdu oo ay guddoominaysay wasiir Samsam ay xubnaha gudida doorashada oo uu horkacayo guddoomiyahoodu waxaa ay gacanta ka gelisay jeega lacagta doorashada ee ay ku qoran yihiinlabada milyan ee dollar.

“Maanta oo ay bisha june 10 tahay waxaanu halkan shir ku wada leennahay wasiirka qorsheynta, wasiir ku xigeenka maalliyada, xisaabiyaha guud ee dawladda iyo shaqaallaha wasaaradda maalliyada iyo weliba xubnaha komishanka doorashooyinka”. Sidaasi  ayay wasiir Samsam tidhi iyada oo intaa ku dartay “waa tii heshiisku ahaa in bisha June la bixiyo afarti Milyan ee kaga soo beegmay dawladda lacagtii doorashada lagu qabanayay si aanay waqtigeedii dib uga dhicin, sidaasi oo ay tahay si shakiga oo dhami u baxo waxaanu maanta bixinaynaa labadii milyan ee u horreeyey ee u qorsheysnaa inaanu bishan June Bixino  isla markaana aanuku wareejino  guddoomiyaha iyo guddida doorashada insha allaha labada milyan ee kalena bisha August baanu bixinaynaa     si ay iyagana niyadoodu ugu sii wanaagsanaato ooay hawlaha u siidardar galiyaan”. Ayay wasiirka Maalliyadu tidhi.

 Geesta kale wasiirka qorsheynta qaranka Maxamed Ibraahin Aadan(Qabo) oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa farxad kutilmaamay in maanta ay wasaarad ahaan iyo xukuumad ahaanba jawaab u heli doonaan laba su’aallood oo kaga soo noqnoqda dhinaca beesha caalamka “Aniga Wasiirka qorsheynta haddaan ahay su’aasha iigu badan ee dhinaca beesha caalamka igaga timaadaa waxa weeye markaan tago Nairobi waxay I weydiiyaan doorashadii ma cadaynaysaan oo ma qabanaysaan, waa su’aasha labaade waxay yidhaahdaan lacagtii doorashada idinkaga aadanaynd ma bixiseen,markaa waxaamaanta ii farxad ah wasiirkii maalliyadu wuu I hor fadhiyaaye in labadii milyan ee u horreyey afarta milyan ay jeegooda gacanta ka saartay komishan, insha allah markaan Nairobi tagana labadaas su’aallood si fiican baan uga jawaabi doonaa”. Ayuuyidhi Wasiir Qabo.

Ugu dambayntii Guddoomiyaha komishanka Dooorashoyinka Cabdiqaadir Iimaan ooisagu halkaasi ka hadlay  xukuumaddana ka guddoomay lacagta doorashada  waxaa uu yidhi “waxaanu maanta u fadhinaa wasiirki Maalliyada oo nagu wareejinaya jeeg laba milyan oodollar ah,sidaynu la soconayna doorashada qabanqaabadeedii baanu kujirnaa, lacagta lagu qabanayaana waxay ku qiimaysnay afar milyan labada milyan ee u horreyey ayaanu maanta ka guddoonay”. Ayuuyidhi Guddoomiyaha Komishanku.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here