Burco(Hubaal) maamulka gobolka togdheer ayaa qabtay odayaal ka doo jeeda jufada askarigii qorulugud ku dilay laba sarkaal oo ka tirsanaa ciidanka qaranka.
Odayaasha la xidh xidhay waxa Ka mid ah Oday la yidhaa Jaamac tuur iyo laba Oday oo kale, walow wararka qaarkood sheegayaan in odayaal badan la amray in laga soo xidho qoyska uu ka soo jeedo askariga dilka geystay.
Xadhiga odayaashan ayaa ka dhashay kadib markii uu baxsaday gacan ku dhiigluhu, si culays loogu saaro in beeshu soo qabato.
Dilka labada sarkaal ayaa dhaliyey xiisado iyo xamaasad dhalisay mudaharaadyo sababay dhimashada hal qof iyo toddoba dhaawac ah, taasoo keentay inay xukuumaddu qaado talaabooyin ay ku daminayso xaaladaas.