Xukuumadda Oo Xiisad Ku Gelbisay Kaydkii Haamaha & Xubno Magac Ku Leh Berbera Oo Xalay U Hoyday Xabsiga

0
26

Akhri Magacyada Iyo Tirada Xubnahan Oo Mid Ka Mid Ahi Kasoo Jeedo Qoyska Wasiir Ka Tirsan Xukuumadda

Berbera (Hubaal) xukuumadda Somaliland ayaa 24kii saacadood ee lasoo dhaafay xabsiga dhigtay qaar ka mid ah xubno magac ku leh gobolka Saaxil, kuwaas oo ay uga shakiday xaalad ka dhan ah kaydka haamaha shidaalka ee ay wareejisay. Xubnahan oo tiradoodu tahay ilaa Shan ayaa ciidamada amaanku ka qabteen tuulada Qoyta ee duleedka magaaladda Burco. Xubnahan oo isugu jira mujaahidiin, Ganacsato iyo Dhakhatiir,ayaa ciidamada amaanku waxay kasoo xidheen bar kaantaroolka dhinaca Koonfureed uga baxda magaaladda Berbera, iyadoo sida wararku sheegayaana kusii jeeday dhinaca Burco.

Ma jiro wax war ah oo dhinaca maamulka gobolka iyo xukuumadda kasoo baxay oo ku saabsan xadhigooda, hase yeeshee wararka ka imanaua magaaladda Berbera ayaa tibaaxaya in amarka xadhigooda uu kasoo fulay mas’uuliyiinta ay xukuumaddu u wakiilatay wareejinta haamaha shidaalka, kuwaas oo Shalay qaab hadoodilan u dhaxal wareejiyay kaydka haamaha shidaalka.haamaha-shidaalka

Dhinaca kale xadhiga xubnahan oo magacyadoodu kala yihiin; mujaahid Cabdirisaaq Maxamed Dubbad (Khayo), Dr. Aaden Cabdikariim Xaaji yuusuf, Maxamed Jaamac Muuse (Madaxyar), Maxamed Xasan Caraale (Dhagle) iyo Cismaan Cabdilaahi ismaciil oo ku magac dheer (qarayare), ayaa si weyn looga dareemay gobolka saaxil, gaar ahaan magaaladda Berbera. Waxaana shantan xubnood oo mid ka mid ahi uu kasoo jeedo Qoyska wasiir ku-xigeenka wasaaradda warshadaha loo dhaadhiciyey jeelka magaaladda Berbera.

Xukuumadda ayaa si weyn tan iyo Xalay u sugaysay amaanka magaaladda iyadoo ciidamo kala duwan soo dhoobtay faras magaalaha, jidka wadnaha iyo kaantaroolada gala ama ka baxa Berbera, iyadoo ka cabsi qabta kacdoon kaga yimaada dhinaca bulshada.

Magacyada shanta xubnood ee la xidhay

Cabdirisaaq Maxamed Dubbad (Khayo)

Dr. Aaden Cabdikariim Xaaji yuusuf

Maxamed Xasan Caraale (Dhagle)

Cismaan Cabdilaahi ismaciil (qarayare)

Maxamed Jaamac Muuse (Madaxyar)

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here