“Waxyaabaha aan ilaa hadda garan la’ahay waxa kamid ah waa nala dilay baa la leeyahay, haddii lagu dilay cidda ku dishay sheeg aanu soo qabanee……”Wasiidu-dawlaha Arrimaha gudaha
Hargeysa:(Hubaal)-Xukuumadda Somaliland, ayaa ka jawaabtay eedo ay saraakiil sarsare oo xisbigaas katirsan usoo jeedinayeen xukuumadda iyo xisbigeeda KULMIYE, kuwaas oo salka ku haya dhaawacyo xubno reer WADDANI ah Hargeysa loogu geystay oo aan weli la xaqiijinin ciddii ka dambaysay.
Wasiiru-dawlaha amniga ee wasaaradda arrimaha gudaha Md. Maxamed Muuse Diiriye oo la hadlay Telefishanka Star, ayaa su’aal geliyey cabashada aan cid gaar ah loo magacaabayn iyo ceebaynta isbarkan ee xisbiga WADDANI warbaahinta la taagan yahay, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhhi, “Waxyaabaha aan ilaa hadda garan la’ahay waxa kamid ah waa nala dilay baa la leeyahay, haddii lagu dilay cidda ku dishay sheeg aanu soo qabanee, marka aanu annagu hagrano ee aanu wax ka qaban weyno ciddii cid gef ku samaysa dawladda halla eedeeyo, laakiin Cabdiraxmaan iyo Saaxiibadiisa ku cawda waxbaa bala yeelay cidda wax idin yeeshay noosoo sheega oo waa hebel na dhaha aanu soo qabanee.”
Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu wasiir Maxamed Muuse xusay in xisbiga WADDANI looga baahan yahay inay caddeeyaan cidda ka dambaysa dhibaatada ay saraakiishoodu sheeganayaan oo ay joojiyaan eedda aan loo aabo yeelaynin ee ay jeedinayaan,“Dawladdu mucaarid iyo muxaafid ba nabadgelyadooda iyadaa ka masuul ah, waxanu leenahay wixii aad tabato soo sheeg oo ciddaas ayaa wax samaysaye hallaysoo qabto dheh, laakiin eed guud meesha ma taallo ayaan leeyahay”ayuu yidhi wasiir Maxamed Muuse Diiriye.
Waxa uu ugu dambayntii farriin u diray guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, waxana uu ka codsaday inuu xukuumadda ula shaqeeyo sida ay iyaduba ula shaqayso, waxana uu yidhi,“Cirro taladii qarankuu wax ku leeyahaye intaanu warbaahinta isa soo taagin si dhaw hanoola xidhiidho, waxana aan leeyahay dawladdu way kula shaqaysaye la shaqee adiguna.”